Inta aynaan guda galin taariikhda baadhitaanka shidaalka Ogadenya waxaa xusid mudan inaan ku horeysiino in dagaalka ka dhexeeya shacabka Somalida Ogadenya iyo Shirkadaha Shidaalka uu ka bilowday 1948dii Wardheer halkaasoo ay shirkadii Singalaydh (Sinclair Oil Co.) ka bilowday qoditaankii ugu horeeyay. Waxaana dadkii ku qamaamay shaqaalaha ee dhagax tuurayay ku hadlay magacooda Rafle Guuleed (Alle ha u naxariiste). Rafle markii la weydiiyay sababta wuxuu ku yidhi ninkii Ingriiska ahaa “They are cutting our fruit trees” Waxay jarayaan dhirtanadii midhaha lahayd.
____________________________________________________________

Xayle Selaase ayaa wuxuu 1943dii dhagta si hoos ahaana ugu sheegay wasiirkiisii ganacsiga iyo warshadaha oo la odhan jiray Mr. Yilma Deressa oo sanadkaas u soo ambabaxayey Mareykanka si uu uga qeyb galo shir caalami ah oo cuntada lagaga hadlayo in markuu shirku dhamaado bal uu soo shukaamiyo shirkadaha batroolka ee Mareykanka iney wadanka Ethiopia batrool ka baadhaan. Mr. Deressa wuxuu markuu shirku dhamaaday la xidhiidhay nin IMPORT & EXPORT lahaa oo uu horey u yaqaanay oo la odhan jiray Mr. Marcel Wagner. Ninkan ayaa Mr. Deresa ku xidhay nin madax ka ahaa shirkada (Sinclair Petroleum Co.) oo u Mr. Wagner xidhiidh ganacsi la lahaa oo magaciisa la odhan jiray Mr. Leland V. Stanford.

Markey kulmeen labada nin, Mr. Deressa aad iyo aad ayuu uga fajiciyey Mr. Stanford markuu u sheegay; inay Ethiopia oo dhan (350, 000 sq. miles) gooni u ahaanayso (Concession area) shirkadiisa iyo Inuu isagu (waa Mr. Stanford) gacantiisa ku soo qoro heshiiska sidu rabo iyo siduu jeclaadaba oo ay Ethiopia bilaa hadal qalinka ku duugi doonto. Haddaba wuxuu Mr. Stanford la tashi ugu tagay ninka shirkada shidaalka loogu magac daray oo ahaa Mr. Harry F. Sinclair (a board chairman of the parent Sinclair Oil Corp.) wuxuuna u sheegay inuu maanta diyaarinayo heshiis an hadda ka hor soo marin (i.e. arrin hal dhinac kaliya awoodii la siiyey). Heshiiskii ay Mr. Stanford iyo saaxiibadiis ay qoreen wuxuu ahaa sidan:

a) In shan sano kadib ay Shirkada Sinclair iska wareejiso (50%) xuquuqda ku kali ahaanshaha Ethiopia oo dhan,
b) Shan sano oo kale ka dibna ay wareejiso (25%) kale.
c) Waxayan Xayle Selaase (Royalty) u siin doonta 12.5% batroolka la soo saaro shanta sano ee hore taasi oo u kordhi doonta ilaa 15% shan iyo tobanka sano ee Wixii intaas ka dambeeyana in heshiiska dib loo fiiriyo (Amend) gareyo.

Waxaana Xayle Selaase (Royalty) loo siin doonaa batrool ahaan ama lacag ahaan marba siduu isagu dalbado. Waxaa kale oo ay shirkadu dhisi doontaa meel lagu sifeeyo batroolka (Refinery), Ethiopian, Waxa kale oo ay shirkadu tababaro la xidhiidha (Oil Industry) u fidin doonta dadka wadanka (N.B. dadka Ethiopia oo barigii Xayle Selaase la mid ahaa Axmaarada!) Sidaasna waxaa ku bilowdey shaqada shirkadii Wardheer agagaarkeeda 1950 yadii batroolka ka baadhi jirtay oo la odhan jiray Sinclair Oil Co.,dadkeenuna ay u yaqaanaan SINGALEYDHKII.

Haddaba in kastoo anan dadkeena heshiiyadan laga qeyb galin lana war gelin, haddana dadku ma dhaga-xidhneyn. Waxayna reer Wardheer 1948 (January) weerar dhagax tuur ah ku soo qaadeen shirkadii, iyagoo leh nadhaafa, waxayna arrintaas ku soo beegantay shirkadoo markaas
rabtay iney qodato ceel biyo. Waxaana nin barigaas dhalinyaro ahaa u ii sheegay in shaqaalihii shirkadu ay carareen oo ay ku carareen ninkii Ingiriiska ahaa ee madaxa ka ahaa Wardheer. Waxaana dadkii ku qamaamay shaqaalaha magacooda ku hadlay Rafle Guuleed (Alle ha u naxariiste). Rafle wuxuu ku yidhi ninkii Ingriiska ahaa “They are cutting our fruit trees” Waxay jarayaan dhirtanadii midhaha lahayd.

Weerarkaas dartiis, shirkadu Wardheer kuma ayna soo noqon ilaa bishii October ee sanadkaas taasi oo ahayd markey dawlda Xayle Sellaase xooga ku yeelatay deegaanka.

Waxaa sidaan hubo Xayle iyo la taliyaashiisi yaab ku noqotay sababta ay shirkadii la siiyey Ethiopiada balaadhan u dooratay meesha boqortooyadiisa ugu cirifeysa oo ay isaga nacday dhulkii Ethiopia da rasmiga ahaa. Sababtan waxay jawaabteedu tahay in Ethiopia inteeda badan marka laga reebo Ogaden Region, Gambela iyo meelo yar yar sida agagaarka Abay (Blue Nile) iyo in yar oo Mekelle agteeda ah u dhulka badankiisa qariyey dhagax shiileed (Igneous Rock) kaas oo an laga helin batroolka.

Markey hawshii guda galeen, waxaa nimankii Sinclair Geologist ka ahaa ay kaga go’day in duud (hill) yar oo Cagaar-Weyne agtiisa ah (oo loo yaqaan Gumbur….) ay ceelkii u horeyey ka qodaan. Waxaana xafladii furitaanka (May, 1949) ka soo qeyb galay Xayle Sellaase oo ugu magac daray ceelka Gumburo 1. Ceelkan waxaa la gaarsiiyey dheerarkiisa “10126 ft”, waxna waa laga waayey. Waxa markaa la bilaabay ceel kale oo laga qoday (1955) Galaadi agteeda oo loo bixiyey Galadi 1 waxaana la qoday ilaa “9086 ft”. Ceelkan ayaa isagana waxba laga waayey.

Markan ayey shirkadu go’aansatay in intey qodi lahayd ceelal dhaadheer oo batrool laga baadho bal iney marka hore u wareegto ceelal gaagaaban oo lagu darso qaabka dhulka oo aanan fikrad fiican laga haysanin. Waxayna qoday ceelal gaagaaban oo farabadan. Ugu dambeyntiina waxay Shirkadani xuduud beenaada ka talowday markey Somalia xornimada qaadatay iyadoo xagaasna ka qoday ceelal dhowr ah. Shirkadan inkastoo ayna batrool helin haddana faa’idooyinkii laga dhaxlay waxaa ka mid ah:

1)Iney dhalinyaro yaryar oo reer Wardheer ah ka barteen sida RIIGAGA loogu shaqeeyo. Inaad xusuusataan mooye waxaa jirijiray dad badan oo reer Wardheer ah oo u shaqeeyn jiray Wakaalada Biyaha ee Ethiopia, kuwano badankoodu ay wax ka barteen Shirkadaas Sinclair.
2)Waxa kale oo Buug Qalinjabineed PhD (Dissertation) ka qoray nin kamid ahaa shaqaalihii Mareykanka ahaa ee shirkada oo darsay Wardheer agagaarkeeda ( Clift, William Orrin, 1956, Sedimentary History of Ogaden District, Ethiopia, PhD Dissertation, Columbia Univesrsity) . 3)Waxa kale oo ay noqdeen daraasaadkii iyo ceelashii ay qoday shirkadu aasaas ayraad-raacaan baaritaanadii ka dambeeyey.

Waxaa laga yaabaa haddaba inaad is weydiiso meesha ay maanta ka baxday Shirkadaas (Sinclair Oil Co.) iyo waxaad u maqli weydey shirkadaas maanta, inkastoo ay shirkad yar oo kale dhawaan isku magacowday? Jawaabta su’aashani waxay tahay, Shirkadani (waa Sinclair tii wadankeena tagtay) waxay ku biirtay mar hore Shirkada la yiraahdo ARCO Oil Co. oo maanta ka mid ah shirkadaha meel dhexaadka ah ee aduunka batroolka ka baadha.

Haddaba shirkada Sinclair waxay baadhitaanka ka bilowday meel an horey fikrad looga haysanin. Marka laga reebo waxogaa yar oo “Surface Geology Study” ah oo ay sameeyeyn niman Talyaani ah oo ay ka mid ahaayeen Mr.Barbieri iyo Mr. Merla wax fikrad hore oo gobolka laga haystay ma jirin. Ceelkii ay cagaarweyne agtiisa ka qoday ee la odhan jiray Gumburo-1 ayaana ahaa ceelkii ugu horeeyey ee laga qodo geeska Afrika. Daraasaad kii ka dambeeyey ee lagu sameeyey wadankana waxaa saldhig ay ka duulaan u ahaa REPORT ay ka tagtay Sinclair Oil Company. Shirkadihii Sinclair ka dambeeyey waxogaa iyada wey ka nasiib badnaayeen oo ugu yaraan waxay haysteen meel ay wax ka bilaabaan. Waxaana shirkadahan ka mid ahaa shirkad Jarmal ah oo la odhan jiray “Elwerath”, sanadkii 1959. Shirkadani waxay raad raacday wixii wadanka macluumaad laga hayay, waxa kale oo ay sameeysay “Aerial photographic survey” taasi oo ah iney diyaarad korkeed ka qaado sawirka dhulka si loo fiiriyo qaabka dhulka iyo kala du-duwanaan-shihiisa. Waxa kale oo ay sameeysay iney dhulkii ay sawirada diyaaraduhu umuujiyeen inay yididdilo leeyihiin “Most likely areas” ay ku sameeyso waxa loo yaqaan “SEISMIC SURVEYING”.

Shrkada badan ayaa isku daba maray baadhitaanka shidaalka Ogadenya oo midba midka ka dambeeya uu sii raadraacayay. Waxaana ka mid ahaa kuwa ugu caansanaa;

TENNECO OIL CO. Shirkadani waxay ogolaanshaha heshay 1969. Waxay daraasad la xidhiidha sida kuwii hore oo kale ah ku sameeysay dhulka. Waxayna kadib qoday sanadadii 1972 iyo 1973 saddex ceel oo kala ahaa “El Koran-1” oo dheerarkiisu ahaa 3,189m; “El Koran-2” oo dheerarkiisu ahaa 2,015m; iyo “Calub-1” oo dheerarkiisu ahaa 3,685m. Waxaa Gas (Hydrate) laga helay ceelkii Calub-1 (i.e. Jeexdin). Waxa sidaas oo kale Gaas iyo Batrool lagu arkey labada ceel ee El Koran-1 iyo El Koran-2.

Sandadkan 1973.– .waxa ku soo qamaamay waddanka shirkado faro badan oo ay ugu horayso, WhiteStone Petroleum C. Voyager group, Houston Oil Ltd,, Polar Bear Petroleum iyo kuwo kale oo badan, wayna mar walba ku guul daraysanayeen inay soo gabagabeeyana qorshayaashoodii qandaraas ee ka dhexeeyey iyaga iyo gumaysiga.

1979 oo ahayd muddadii uu Mengistu haystay waddanka ayaa waxaa isa soo qaddimay shirkadda la yidhaahd Soviet Petroleum Exploration Expedition (SPEE) oo laga leeyahay dalka Russia., ka dibna markay masuuliinta Shirkaddu arkeen Dagaaladii u dhexeeyey Ethiopia iyo Somalia ayey dib ula noqdeen Qandaraaskoodii.

Arimaha ugu badan ee ku dhiirigaliya shirkadahan inay dalka ku soo cararaan waa Itobiya oo marwalba u fidisa martiqaad bilaa shuruud ah oo ujeedada ay ka leedahay ay tahay bal inay mar un shirkadahaa ku dhiiradaan Ogadenya oy dhex istagaan.

Intii ay xukuumadda Wayaanaha dalka qabsatay waxay aad isugu dayeen inay shirkadaha gaar ahaan kuwa reer galbeedka ay soo galiyaan. Waxaa ka mid ahaa isku daygaa EPRDF-ta iyagoo qandaraas dawli ah siisay shirkadda ugu wayn shirkadaha shidaalka baadha ee laga leeyahay waddanka SHIINAHA ee la yidhaa ZPEB. Shirkadaa oo damacsanayd inay la wareegto isla markaana qoddo dhul cabirkiisu le’eg yahay 93,000 Km oo wareeg ah, waxaan ka mid ah aagga Feerfeer, Wardheer, Shilaabo ilaa Duleedka zonka Dhagaxbuur. Isku daygaa ayaa soo afjarmay markii lagu weeraray Cobolle oo saldhig u ahayd shirkadda isla markaana uu gumaysiga isugu geeyay ciidan adag oo loogu talagalay inay 50KM oo wareeg ah ka ilaaliyaan inay soo galaan ciidan ONLF. Weerarkii lagu qabsaday Cobolle wuxuu dib u celiyay hungurigii kaga jiray shirkadaha Shiinaha inay bililiqaystaan shidaalka ay shirkadaha caalamka soo baadhayeen ilaa 50meeyadii qarnigii tagay.

Waxaa hadda soo laba kacleeyay quul-dareyntii Shiinaha ka dib markii ay Itobiya suuqa galisay wararka aan jirin ee odhanaya ONLF waan daciifinay hawlgalkii Cobolle ka dib oo weerar la mid ah midkii Cobolle ma abaabule karto jabhadda. Hasa ahaatee jabhadda ONLF digniin kama dambays ah ayay siisay shirkadaha Shiinaha ah in aanay ku soo hungoobin waddanka Ogadenya, hadiise ay rumaystaan beenta iyo dacaayadda Itobiya waxay arki doonaan dhab aan farax galin doonin.

Waxaa qoray Xasaneyn – ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay