Sidaad wararkaanagii hore aad kala socoteenba waxaa kasocday wadanka Denmark Shirwaynihii Haweenka Somalida Ogadenya. Shirkan oo maalintiisii 3aad galay ayaa waxaa hada lagu doortay Gudigii Maamulka Ururwaynaha Haweenka Ogadenya ee marka lasoo gaabiyo looyaqaano (UHO). Gudiga ladoortay oo ka kooban 7-xubnood ayaa waxay kala matalayaan 5-qaaradood ee dunidan aan kunoolahay taasoo lagu saleeyay ama aas aas looga dhigay Jaaliyaadka S.Ogadenya ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda. Waxaa Gudoomiye loodoortay Abwaan Rooda Cabdi Ibrahim (Roodo Afjano).  Marwo Rooda Cabdi Ibrahim ayaa noqon doonta Gudoomiyaha guud ee Dallada Ururwaynaha Haweenka Somalida Ogadenya oo maanta lagu yagleeyay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen.

Gudigan ladoortay oo noqon doona Gudiga Fulinta ee Ururwaynaha UHO ayaa lagu wadaa ineey hogaanka uqabtaan maaraynta iyo maamulka UHO ee kajira dhamaan Jaaliyaadka S.Ogadenya. Gudigan ladoortay ayaa xilka hayn doona labada sane ee soosocda haduu Allaha awoodalihi karaali noqdo. Faah faahinta doorashada Gudiga UHO waxaad kaga bogan doontaan wararkaanaga dambe ee yaan lamoogaanina.HDk6

HDk14

HDk14

HDk13

HDk12

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay