Shirkii Ururka Haweenka Ogadenya Denmark Uga Socday oo Guul Kudhamaaday.
Shirwaynihii Ururka Haweenka Somalida Ogadenya ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark uga socday sadexdii bari ee lasoo dhaafay ayaa guul kusoo dhamaaday. Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qaybgaleen wufuud balaadhan oo shanta qaaradood iskaga kala yimid ayaa lagu yagleeyay Ururwaynihii Haweenka Ogadenya (UHO).
Shirwaynahan ayaa lagu doortay Gudiga Maamulka UHO kuwaasoo hogaamin doona ururka labada sano ee soosocota. Doorashadii gudiga maamulka UHO lagu doortay ayaa ahayd mid siheersare ah udhacday sidoo kale waxaa munaasabadan lagu ansixiyay Xeer Hoosaadkii ururka UHO lagu hogaamin lahaa. Mudadii kulankan uu socday ayaa lagu ansixiyay arimo muhiim u ah dallada lagu mideeyay ururka UHO.
Gunaanadkii shirwaynaha ayaa waxaa khudbado kookooban kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Adm. Mohd Cumar iyo Lataliyihiisa General cabdullahi Mukhtaar. Sidoo kale waxaa iyadana khudbad aad uqiima badan oo dhaqaajisay dareenka iyo damiirka shacabkii madasha munaasabada soobuux dhaafiyay Xoghayaha cusub ee loodoortay ururka UHO Abwaanad Rooda Cabdi Ibraahim (Roodo Af-Jano).
Gunaanadkii iyo gabagabadii shirwaynahan taariikhiga ah ee lagu soodhisay Hogaanka cusub ayaa waxaa lagudoonsiiyay Xoghayaha cusub ee UHO Abwaanad Rooda Af-Jano hadiyad aad uqiima badan. Waxay xoghayaha cusub balan kuqaatay ineeysan waxba hagran doonin iyadoo kacodsatay dhamaan madaxdii iyo masuuliintii goob jooga ku’ahayd munaasabadan taariikhiga ah ineey gacan kusiiyaan xilkan cusub ee loo idmaday Abwaanada.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.