OYSU MN (5)

Malintii Sabtida ahayd 27 December, 2014 waxaa kulan baladhan isugu yimid ururka midowga dhalinta iyo ardayda Ogadenya ee gobolka Minnesota. Kulankan oo ka dhacay xafiska Jaliyada Ogadenya ee gobolka Minnesota ayaa lahaa laba ujeedo. ujedada koobad waxay ahayd kulankii bilaha ahaa ee ururkrka OYSU fariciisa Minnesota. Ujedada labaad ee shirka ayaa ahayd inay dhalinyaradu doorato xoghaye cususb.

OYSU MN (4)

Ayadoo uu jawigu aad u qaboobaa oo uu baraf badani daayaay, hadana dhalinta u adeegta qadiyada Ogadenya kamayna caajizin imatinka shirka balse, si baladhan ayay shirka u uga soo qayb galeen.

Qaybtii koobad ee shirka ayaa waxaa ay masuliyinta ururka OYSU soo bandhigeen warbixino ku sabsan waxyabihii ururka u qabsoomay sanadkan dhamanaya ee 2014 iyo qorshayaasha shaqo ee ay ay ururku ku howl galayaan sanadka cusub ee 2015 haduu Eebe idmo.

OYSU MN (3)

Qaybtii labad ee shirka ayaa waxaa la guda galay doorashada xoghayaha cusub ee OYSU fariciisa Minnesota. Musharixintu waxay ka koobnayeen 5 xubnood. Dorashadan ayaa u dhacday qaabka casriga ah ee dunida looga codeeyo oo ahayd qofkasto inuu codkiisa qaab qoraal ah ku gudbiyo (one man one vote) ayadoo uu ruxkastaba uu kaadhka codaynta uu ku ridayay sanduuq dhexyaalay madasha doorashadu ka socotay oo uu ruuxkasta arkayay marka uu ruxu codaynnayo, walow rux kastaa ay sir u ahayd ruxa uu ucodeeyay.

OYSU MN (2)

Kadib markay codayntu dhamatay waxaa laguda galay tirinta codadka ayadoo musharax kasta lagu dhawaqayay marka uu cod hele si tirada loola wada socdo.

Markii tiradii codaynta la dhameeyayna waxay guushii doorashadu raacday Mudane Anwar Axmad oo si aqlabiyad ah  codkii ugu badnaa ku guulaystay. Gudidii dorashaduna waxaay si cad ugu dhawaqday inuu Anwar ku guulaystay xilkii Xoghaya nimada OYSU faricissa Minnesota.

OYSU MN (1)

Ugu danbayntina xoghayiha cusub mudane Anwar Axmad ayaa khudbad qiira leh madashii ka soo jeediayay, isagoo balan qaday inuu sii laban labayo dadalkiisa uu ugu jiro u adeegida qadiyada Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay