Waxaa maanta oo taariikhdu ahayd 01.01.2015 kulan isugu yimid xafiiska jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Norway Ururka Haweenka Ogaadeenya, halkaasna ku doortay maamulkii 2015-2016.

IMG_7561Kulanka waxaa lagu furay aayadaha quraanka, kadib waxaa la dhagaystay warbixin shirweynihii Haweenka Ogaadeenya ee Denmark iyo go’aamadii Kasoo baxay, waxaa kale oo si fiican looga warbixiyay xaalada qalafsan ee dumarka ogaadeenya ee dalkii Hooyo ku sugan yihiin,waxaana la isla qaatay baahida loo qabo urur haween oo waajibaadkiisa guta, waxaana isla goobta Shirka lagu magacaabay maamulkii haweenka ee hogaamin lahaa labada sano ee 2015-2016.

Haweenka Ogaadeenya ee Norway waxay gudoomiyaha ururka haweenka u doorteen labada sano ee 2015-2016 marwo Barliin Deeq Khaliif, waxayna gudoomiye xigeen u doorteen marwo Aamino, waxaa kale oy doorteen 3 xubnood oo hawsha la wadi doona. Markii Maamulka lagu dhawaaqay ayaa goobtii loogu duceeyay Maamulka cusub In ilaahay xilka ku asturo, waxaana wadajir loo wada qaatay In hawsha loo fududeeyo.

Haweenka Ogaadeenya ee Norway ayaa shirkoodii kusoo gaba gabeeyay ciyaaraha hidaha & dhaqanka,heeso wadani, waxaana goobta ka dhacday farxad Aan la soo koobi Karin.

Shirka ayaa kusoo gabagaboobay guul iyo isafgarad lagana gaaray ujeedkii laga lahaa.

Warfaafinta …

Ururka haweenka ogaadeenya ee Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay