Dadwaynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan S.Ogadenya iyo qofkasta oo aadana ah oy danqayso ubadkan dhibaataysan waxaa la xusuusinayaa in Haya’dda Daryeelka Agoonta iyo Naafada xafiiska Bariga Afrika ay uruurisay caruur tiradoodu gaadhayso illaa 3200 oo agoon ah.

Waxaa kaloo ay Haya’dda A&N gacanta ku haysaa 3ex dugsi oo ka kala jira xeryahay qaxootiga ee Ifo, Dhadhaab iyo Xagardheer oy wax ka bartaan illaa 500 oo arday oo intooda badan ay agoon yihiin.

Waxaa kaloo xusuusin mudan agoonku inuu cunno kaliya u baahnayne uu u baahan yahay waxbarasho, tarbiyo, hooy iyo cunto iyo daryeel caafimaad.

Sidaa darteed waxaanu ku boorinaynaa dadka ka danqanaya baahida caruurtan agoonta ah inay ka gaystaan gacan sidii ubadkaa loo barbaarin lahaa oo looga badbaadin lahaa inay dayacmaan, taasoo ay inagu borisay diinteena xaniifka ah.

Faafaahin dheeraad ah iyo habka kafaalashada agoonka kala xidhiidh;

Haya’dda Daryeelka Agoonta iyo Naafada xafiiska Bariga Afrika

Dr.Cabdiraxmaan Yuusuf.
E.mail : moodhar@yahoo.com
Tel. +254 7004 24111

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay