Ururka Midawga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadeniya ee magaalada Port Elizabeth ayaa maamul u doortay todoba xundoon oo ka mida Ururka OYSU ee South Africa ku waas oo xilka loo doortay hayn doona mudo hal sano ah,

Magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape ayaa lagu qabtay Shir lagu doortay gudiga fulinta qaybta OYSU ee ka hawl gasha gobolka Eastern Cape waxaana ka soo qayb galay  maamulka Xubnaha Ururka OYSU, qaar kamikda Xunbaha Jaaliyadda Iyo masuuliyiin ka tirsan Jabhadda ONLF, Maamulka OYSU loo sameeyay ayaa noqonaya xubno lagu soo xushay Aqoontooda Iyo kaalinta ay kaga jiraan halganka xaqa ah ee ay Aayo-katashooda ugu jiraan

Xubnaha loo doortay xilalka ayaa la aaminsan yahay inay wax badan ka qaban doonaan arimaha horyaala Iyo doorka ay ku leeyihiin qadiyada Ogaden waxaana laga sugayaa inay wax ka qabtaan baahida Ururada bulshada Ogadeniya sida Waxbarashada, Gargaarka, Caafimaadka Iyo isku xidhka dadweynaha.

OYSU23

‘’Maanta Ururka OYSU wuxuu tusaale Caalami ah u yahay dalalka Caalamka ee Soomaray dhibaatada Gumaysiga wuxuuna Ururka OYSU ku socdaa Jidkii guusha wayna guulaysanayaan’’ ayuu yidhi Masuul ka tirsan Jabhadda ONLF oo Shirka ka hadlay.

Ururka Midawga dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadeniya ee South Africa ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Ururada bulshada ee Dalka South Africa Iyo hay’adaho Caalami ah oo u dooda dadyowga la gumaysto gaar ahaan dadyawga qaarada Africa.

Ugu dambeyn waxaa Warbaahinta la hadlay Xoghayaha Ururka OYSU qaybtiisa Magaalada Port Elizabeth ee maamulka la doortay Xoghayaha u ah Aamiin Shiekh Cali wuxuuna sheegay inay diyaarinayaan siday wax ugu qaban lahaayeen dadweynaha Ogadeniya ee ku tabaalaysan gudaha Ogadeniya Iyo dalalka dariska ah isaga oo sii raaciyay inay Codkooda oo midaysan Iyo qaylo dhaan u dirayaan beesha Caalmaka Iyo Hay’adaha U dooda Xuquuqda aadanaha sidii wax looga qaban lahaa shacabka Ogadeniya ee uu Gumaysiga Itoobiya daashaday

Xayi Yare

ONA

Port Elizabeth

South Africa

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay