Labo gaadhi oo ah nooca Candho maydlaha ah oo waday badeeco isugu jirtay Bagaash iyo cunto una rarnaa labo ganacsade oo u dhashay Degmada Dhanaan ee gobolka Shabeele ayaa waxaa guud ahaanba labadaas baabuur iyo wixii saaraa la wareegay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howl galaa Degmadaasi Dhanaan.

Badeecadan oo loo kala waday magaalooyinka Dhanaan iyo Godey ayaa lala wareegay markay soo gaadheen magaalada Dhanaan,waxayna labadaas gaadhi u kala rarnaayeen ganacsade Muxyadiin Xaaji Maxamed Inshaar iyo Ganacsade Macalin Xuseen Cabdinuur oo labaduba aad looga yaqaano gobolka Shabeele ahna ganacsadayaal waweyn .

Sida uu noogu soo waramay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya (ONA) ee gobolka Shabeele  ayaa sheegay in labadaas baabuur ay Badeecada ay wadeen  ka keeneen dhankaas iyo maamulka Puntland.

Faysal/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay