2 koranel oo Ethipian ah oo jeelka Ziway qolka madow ee  numberkiisu yahay  number 8 ay ku jireen lagala baxay ka dibna la toogtay.
Labadan Kornel ayaa waxaa magacyadooda lakala yidhaahdaa, Damise Anteneh & Alamu Getinet.
Labadan sarkaal ayaa waxa lagu soo eedayay in ay ka mid ahaayeen saraakiil sare oo afgambi Military ku samaynayay dawlada Ethiopia  ay TPLF ka taliso mudo 5 sano laga joogo.
Waxaa kale oo iyaguna sida oo kale la xidhnaa  General Tafara Mamo & General Asaminow Tsige oo isla arrintan lagu soo eedeeyay.
Siyaasiyiin badan ayaa isweydiinaya iyadoo in ay rabshado ka dhacaan doorashada soo socota laga cabsi qabo in ay talaabadan adag ay dawlada Ethiopia qaado.
Dadka arrimaha Ethiopia u dhuun duleela ayaa waxay aaminsanyihiin in ay dawlada Ethiopia  ee ururka  TPLF ka ka taliyo in  ay khalkahlsan tahay isla markaana ay rabto in ay cidii  kacdoon rabatay in ay samayso  ay tusto in ay cashirkan oo kale u dhigi doonto, balse kacdoonka shacabka ee qoomiyadaha kala duwan ee la cabudhinayay 24 sano ayaan sidaa ku joogsan doonin.
ONA/Addis Ababa
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay