sMaalin nimadii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegnayd 17/1/15 waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab ka dhacay shirkii faracyada OYSU ee deegaanada Dhadhaab iyo Faafi. Shirkan oo ah shir wareegto ah isla markaana lagu qabto hadaba xero ayay kasoo baxaan faa’iidooyin aad u waawayn oo dhalinyarada OYSU iyo guud ahaan halganka umada Ogadenia ba ay dani ugu jirto.

Shirkan ayaa furmay xiligii loogu tala galay oo ahaa 10:00 barqinnimo xiliga Dhadhaab waxaana kasoo qayb galay ergooyin ka ka kala socday Xagardheere iyo Dhagaxlay iyo xerada martida loo ahaa ee Ifo.

Shirka ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi ka dambeeyay, ka dibna waxaa lasii amba qaaday qodobadii oo loogu horaysiiyay warbixinadii kala duwanaa dal iyo dibadba waxaana inta badanna waxaa warbixinta soo jeedinayay Xoghayaha OYSU Ifo ahaana shirgudoonka kulankan Halgame Cabdi Carab wuxuuna soojeediyay warbixin aad udheer oo dhinacyo badan taabanaysay. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay wufuudii kale ee deegaanada kale katimid.‎

Intaas kadib waxaa lasoo dhigay wixii ka fulay iyo waxaan fulin wixii lagu balamay shirkii kan xigay ee kadhacay xerada Dhagaxlay waxaana laysla qaatay in uu qabsoomay inta bada ama dhamaanba wixii lagu balamay.‎

Qodobka 2aad ee laga dooday ayaa ahaa dardar galinta shaqada OYSU Dhadhaab sanadkan cusub ee 2015 hadii Alle idmo waxaana hoosta laga xariiqay in uu sanadkan noqdo midka ugu shaqada badan ee hiil iyo hooba loogalo shacabka dulman ee ree Ogadenia.‎ Waxaa sidoo kale laga dooday dhaqaalaha ururka iyo sidii loosii dardar galin lahaa si loogaadho yoolka aan higsanayno ee xoriyada iyo hayaan keeda dhibka badan.‎

Qodobka kale ee laga dooday ayaa ahaa ka fogaanshaha dhamaan wixii khilaaf u keeni kkara guud ahaan halganka Ogadenia gaar ahaa ururwaynaha OYSU iyo faracyadiisaba.‎

Qodobka kale ee laga dooday ayaa ahaa in siminaaro loo qabto dhalinta OYSU ee deegaanadan siloogu carbiyo lafalgalka halganka ay umadu kujirto.‎

Qodobka kale ayaa ahaa kor uqaadida fanka iyo suugaanta halganka waxaana laysku raacay in latayeeyo kooxo halgameedka kajira Dhadhaab iyo Faafi.‎

Qodobadan iyo kuwo kale ayaa ahaa qododabii xooga lasaaray waxaana looga dooday si waadix ah oo ay daacadi kujirto waxaana soobaxay go’aamo dhaxal gal ah.‎

Kulankan oo socday mudo aad u dheer ayaa soo idlaaday abaare 4:00 galabnimo waxaana goobta laga sagootiyay wufuudii xeryaha kale katimid wajiyaduna waxay ahaayeen kuwo aad ufaraxsan.‎

ONA Dhadhaab.‎‏

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay