Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee
JWXO ayaa sheegaya dagaallo dhowr ah oo kamid kuwii joogtada ahaa ee
ay CWXO kuxoraynayeen ciida ogadenia ee uu gumaysigu ku habsaday
dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee aan faahfaahintooda helay ayaa udhacay
sidan:
10/1/15 Afar-iridoodka oo dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo
katirsan dagaal faraha laysulatagay oo kadhacay waxaa ciidankii
wayaanaha goobtaas lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
10/1/15 Qoorgaysta oo tuulada Caado ee Gobolka Doollo katirsan dagaal
CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray waxaa ciidanka cadawga lagaga
dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/1/15 Foqayso oo tuulada Lehelow ee Gobolka Doollo katirsan dagaal
kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa
lagaga dhaawacay.
13/1/15 Garwaan oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay
katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga
dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

xarunta dhexe/Ogadenya

__._,_.___
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay