IMG_62010475930663Ururka OYSU Seattle ayaa todobaadkan isugu yimid shirkoodii billaha ahaa. Shirkan ayaa ururku bil walba ku qiimeeyaa waxqabadka isla markaana lagu lafaguraa hawlaha ururka. Waxaa kaloo bil walba uu ururku soo bandhigaa abaalmarin loogu magac daray Member of the Month ama Xubinka Bisha. Iyada oo ururku xuso xubinka bishan ugu wax-qabadka badnaa.

Hadaba waxaa abaalmarintaasi lasiiyey Sundus Ibrahim, oo runtii noqotay xubinka ugu shaqada badnaa bishan. Sundus ayaa waxaa shahaada sharaf iyo hadiyado kale gudoonsiiyey maamulka ururka OYSU Seattle.

Sundus ayaa kamid ah dhalinyarada sida hagar la’aanta ugu adeega shacabkooda dulman. Waxaana intaa u dheer edebta iyo xushmeeynta xubnaha kale ee ururka iyo dhamaan bulsha weeynta soomaliyeed.

Waxaan rajeyneynaa in xubnaha kale ku deydaan Sundus, si ay iyaguna umuteystaan abaalmarintan oo kale.

Waxaanu leenahay hambalyo.

Abdirahman Hollywood
Seattle, WA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay