onla3Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ay isku farasaareen N/hurayaasha CWXO iyo huubada uu gumaysigu keenay dhulka Ogadenia.

Dagaaladan oo ah weerarada is-dabajooga ah ee lagu xoraynayay wadanka ayaa cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare laxaadleh oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac, waxayna kuwii ugu dambeeyay udhaceen sidan;

11/1/15 Asalalay oo dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/1/15 Cadaaddhaadheerta oo Iimaybari katirsan weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxay kudileen 2 askari 3 kalana way kaga dhaawaceen.

15/1/15 Ciidadowga oo dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa qudha lagaga jaray 7 askari oo kuwa gumaysiga ah 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/1/15 Xagarow oo dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/1/15 Anane oo dagmada Baabili ee Gobolka Faafan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/1/15 Garbodiimo oo dagmada Baabili katirsan dagaal aad u culus oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

21/1/15 Gudaha Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay dagaal kadhacay waxaa ciidanka maxaysatada Itoobiya lagaga dilay inta hubo 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay