Wararka ka imaanaya Ogaadeeniya ayaa sheegaya in Todobaadkan magaalada Fiiq ee xarunta gobolka Nogob ay kajireen dhibaato xoogan oo lagu hayo shacabka taasi oo ah dhac & xidhay ay ciidamada gumaysigu kula kacayaan dadka shacabk ah.
Ciidamada wayaanaha ayaa waxay dadka shacabka ah ku amreen in ruux walba bixiyo dhaqaale baad ah oo gaadhaysa 5000 bir, hadii ruuxu bixin kari waayo waa laxidhayaa,
Waxaana la xidhay Dad kor udhaafaya 100 ruux, sidoo kale waxaa hadda lagasoo xidhay Tuulada Hara-maygaag Dad 12 ruux ah kuwaasi oo hadda ku xidhan magaalada Fiiq.
Sidoo kale tuulada Wargaadsan waxaa iyadana Dadka lagu amray inay bixiyaan dadku lacago baad ah oo lamid ah tan lagu xukumadya shacabka magaalada Fiiq taaso oo ah 5000 oo bir, iyadoo dhac iyo xidhay la isugu daray dadka shacabka ah waxaana kamid ah dadka xidhayga iyo dhaca la isugu daray nin lagu magacaabo Aadan Colob oo masuul ka ahaa qoys ka kooban shan ruux.
Dhanka kale 20/1/2015 Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah wakiilada gumaysiga waxaa lagu soo xero ooday iyadoo laga kala keenay dhagmooyinka iyo tuulooyinka gobolada Ogaadeeniya Arday gaadhaysa 800 oo Arday, kuwaasi oo ay wakiilada gumaysiga gaar ahaan dabaqoodhi Cabdi iley uu ku amray ardayda inay Raisul-wasaaraha gumaysiga maqaarsaar Hailemariam Desalegn ku dhahaan waxaan codsanaynaa in dib loosoo doorto oo uu isa soo sharaxo dabaqoodhi ina iley oo ah dhagar qabe loo adeegsaday xasuuq ay ku dhinteen kumanaan ruux oo shacabka ogaadeeniya ah.
Maxamuud Sheekh/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay