Waxaa maanta oo taariikhdu ahaaydi 24/1/2015 shir isugu yimid jaaliyad Sacuudi Carabiya faraca Riyaad halkaaso sidii caadada ahaayd shirk a lagu furay aayaada Quraana iyo wacdi dadkii ka soo qaybgalay loogu sheegay sida kiliya ee lagu badbaadi karaa inay tahay xadhiga eebe oo laqabsado taasoo aakharo iyo adiinba lagu liibaani.

Intaa kadib waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyay isuduwaha jaaliyadaha bariga dhexe C/lahi Ciraaqi oo uga war bixiyay jaaliyadda meesha uu marayo halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka katahay gude iyo dibadba. Waxaa kaloo uu Isu-duwaha ka war bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee halganka uu soo maray, isagoo yidhi Ilaahay mahadii, maanta wuxuu marayaa halgankii meel aad u wanaagsan oo ay muuqato rejo aad u fiican. Wuxuu ku baraarujiyay Isuduwuhu in laga feejignaado cadowga shirqooladiisa iyo dabinada uu maleegaayo lana ilaaliyo midnimada umada, halmeena looga wada jeedsado xoreynta dalka Ogaadeeniya iyo inuu ruux waliba u diyaargaroobo wax qabad.

Gabagabadii jaaliyad waxay boogaadin u soo jeedisay dhamaan dadka reer Ogaadeeniya ee ka qaaybqaatay halganka socda gaar ahaan CWXO ee madaalaha ah iyo shacbweynaha gudaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay