Shalay iyo maanta waxaa maxkamad ku taal magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Milimani Court ka socday dhagaysiga dacwad loo haystay Afar ruux oo kamid ahaa Raggii gacanta ka gaystay afduubkii loogaystay laba masuul oo kamid ahaa Ururka ONLF kuwaasi oo kala ahaa Mudane Cali Axmed Xuseen iyo Mudane Sulub Cabdi Axmed.

Afarta dambiile ee Ethiopia ku gacan siiyey dulmiga lagula kacay masuuliyiinta ONLF ayaa waxay kala ahaayeen 1- Xassan Aadan Bunaya 2- Bilow Cali Cabdi 3- Mr Painito Bera Ngangai 4- Mr James Ngaparini Sipiti.

Shalay iyo maanta ayaa si toos ah loo dhagaysanyey dacwada ka dhanka ah Afartaasi Nin waxaana maanta Maxkamada la keenay qaar kamid ah markhaatiyadii goobjooga u ahaa xiligii laga afduubayey magaalada Nairobi masuuliyiintaasi

Sida maanta ay ka sheegeen markhaatiyadu maxkamada horteeda Afartan Nin waxaa ku wehliyey Aduubka Rag kale oo aan magacyadooda wali lashaacin

Dacwad oogaha kasocday dowlada kenya ee dacwada ku soo oogayey dambiilayaashan ayaa sheegay in uu hayo markhaatiyo dheeraad ah kuwaasi oo uusheegay inuu hor keeni doono maxkamada

Sanad ayaa kasoo wareegtay markii ay canaasiir kamid ah gumaysiga Ethiopia oo kaashanaya dhuuni qaatahaal kenya iyo Soomaali ah ay ka afduubeen magaalada Nairobi labadaasi masuul waxayna taariikhda la afduubay ay ahayd (Axad 26 June 2014).

Dacwad oogaha dowlada kenya ayaa sheegay in uu ku raja wayn yahay in sharcigu uu u aargudi doono dulmanayaasha Ogaadeeniya ee ay afduubeen gumaysigu.

ONA/Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay