Haweenka Ogaadeeniya ayaa  shir isugu yimid magaalada Pretoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika .Shirkan oo ahaa mid lagu kala warqaadanayay ayaa waxaa khadka tellka kaga qayb galay Abwaanada Qaranka ahna Gudoomiyaha Haweenka Ogaadeeniya ee caalamka oo dhawaan lagu dhisay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay xaalada dumarka Ogaadeeniya iyo qorshaha horyaala maamulka cusub ,isla markaana waxaa la isla qaatay sidii loo fulin lahaa hawlaha u qorshaysan maamulka dumarka.
2Sidoo kale hogaanka xidhiidhka caalamiga ah iyo waraafinta UHO marwo Kawsar Faarax ayaa ka war bixisay ahmiyada ay leedahay midnimadu. Waxayna ku dhiiri galisay haweenka Koonfur Afrika iyo wax yaabaha larabo in si dag dag ah loo fuliyo.
Hogaanka Abaabulka ee ururka haweenka Koofur Afrika marwo Xiis Axmed ayaa sidoo kale ka warbixisay sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirwaynihii Jaaliyada iyo masuulka kusoo fool leh wadanka mudane Cadaani Hirmooge
Ugu danbayntii Marwo Ardo M. Cabdi ayaa haweenka u soo bandhigtay in ay u diyaar garoobaan sidii ay u caawin lahaayeen gabdhaha Ogaadeeniya ee ku rafaadsan Xeryaha Qaxootiga iyo gudaha Ogaadeniya
Shirkan oo lahaa ahmid wayn ayaa guul ku soo dhamaadayGumaysidiid

ONA/South Africa
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay