Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay. Wararkan oo aan kahelay xarunta Dhexe ee JWXO ee gudaha Ogadenya ayaa kawarbixinaya faahfaahinta iyo dharbaaxooyinka ciidanka wayaanaha soogaadhay waxayna u dhaceen sidan:

14/1/15 Baqaska oo dagmada Qabridahare ee xarunta gogolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/1/15 Dagmada Garbo ee gobolka Nogob dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/1/15 Barmiil oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka jahawareersan ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/1/15 Maraguduudshe oo Dagmada Garbo katirsan weerar gaadma ah oo uu cutub katirsan CWXO kuqaaday waxay ciidanka cadawga kaga dileen inta lahubsaday 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/1/15 Aqalaalayowga oo Tuulada yucub ee Gobolka Doollo katirsan dagaal culus oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/1/15 Cidhiidhiga oo Qabridahare katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

26/1/15 Dalcada oo Qabridahare katirsan waxaa kugadoomay baabuur kuwa gumaysiga ah kadib markay cwxo dhaxda ugaleen rasaasna huwiyeen waxaana baabuurkaas kubakhtiyay askar aad ubadan.

26/1/15 Duleedka Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo Uuraal ah waxaana kubasbeelay dhamaan wixiisaaraa.

Xarunta Dhexe ee JWXO/Gudaha Ogadenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay