Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee ONLF ayaa sheegaya dagaalo dhacay sadex dii maalmood ee ugu dambeeyey bishii jamaanyo kuwaasi oo waxyeelo xoogan loogu gaystay ciidamada gumaysiga Ethiopia ee doolka ku jooga ciida Ogaadeeniya.

Dagaalada ayaa waxa ay ka kala dhaceen Qobolada Qoraxay iyo Nogob waxayna udhaceen sidan:

29/1/2015 Gorara oo Dagmada Qabridahar ee xarunta gobolka Qoraxay ka tirsan sagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askri waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

29/1/2015 Deegaanka lagu magacaabo Balli-qabriyaale oo Dagmada Sagag katirsan waxaa ku rogmaday gaadhi ay laheeyeen Askarta gumaysigu wali faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay

30/1/2015 Tuulada Fool-xeej oo Dagmada Qabridahar ee Xarunta Gobolka Qoraxay ka tirsan waxay ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeeniya ku gubeen halgaadhi oo ay lahaayeen Askarta wayaanuhu waxaana halkaasi ku bakhtiyey Askar Gaadhaysa 26 waxaana ku dhaawacmay 19 kale.

30/1/2015 Gudaha magaalada QabridaharĀ  waxay ciidamada gumaysigu ku dhaawaceeb mid kamid ah dabaqoodhiga hawaarinta oo lagu magacaabo Xasan Xoolo.

31/1/2015 magaalada Qabridahar ee Xarunta gobolka Qoraxay waxaa ku gadoomay gaadhiay lahaayeen gumaysigu wax faahfaahinana lagagama hayo khasaaraha ka dhashay.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay