Oslo- 25-Augst-2011- Waxaa Maanta caasimada Oslo ee wadanka Norway, Xaflad afur ah oo aad u balaadhan isugu yimid Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda, taasoo ay ku xusayeen sannadguuradii 27-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada adag loo taagay Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) oo la aas-aasay 15-Augst-1984.

Xuska aas-aaska Jabhadda ONLF ee sanadkan lagu qabtay dalka Norway oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, ayaa ugu horeyntii waxaa hadal furitaan ah goobta ka jeediyey Mudane Asad Daahir oo ah Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Bulshada ee Jaaliyada Norway, isagoo ugu horeynba ka warbixiyay ujeedadda xuska 27-aad loo qabtaya iyo kaalinka kaga aadan Jaaliyadaha dibada halganka mudada dheer ka socday dhulka Ogadeenya ee ul isu dhiibka ah in ka badan 100 sanno ilaa uu kasoo gaadho kan ay hadda JWXO hormuudka ka tahay ee 27 sano jirsadday.

Mudane Asad Daahir ayaa kusoo dhaweeyey inuu goobta ka hadlo Mudane Riyaale Xaamud, oo katirsan Golaha Dhexe ee Jabhadda ONLF, waxa uuna tilmaan ka bixiyay mudanuhu sida wax kasta oo shacabku wado uu meel ugaadhayo cidkasta oo shacabku ka soo horjeedsadaana aysan meel gaadhaynin, isagoo hadalkiisa sii wata mudana Xaamud waxa uu ku booriyay shacabkii meesha isugu yimid inay hiil iyo hooba la garab istaagaan halganka xaqa ah ee 27 sano jirsaday, Isagoo salaan iyo tahniyad hawadda u mariyey Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya, mas’uuliyiinta JWXO, xubnaha JWXO ee gude iyo dibadba ka howl-gala, iyo dhamaan shacabka dulman ee Soomaalidda Ogaadeenya.

Sidoo kale, waxaa goobta khudbad qaali ah ka jeediyey Mudane Abdi Nuur oo ku dheeraaday taariikhda halganka 27 jirsaday, siduu ku soo bilowday, marxaladdihii uu soo maray, meesha uu hada taabo gal ka yahay . Mudane Abdi Nuur ayaa khudbadiisa kusoo gunaanaday siddii hal meel ah loogasoo wada jeed san lahaa si buuxdana loo taageero halganka xornimo doonka ah ee shacabka soomaalidda Ogaadeenya ay wadaan.

Waxaa iyana goobta ka hadlay mas’uuliyiin & xubno ay ka mid ahaayeen xoghaya OYSU-Norway, Mudane Haaruun Abdulaahi, oo isna ugu hanbalyayeeyay munaasabada qiimaha badan ee aas-aaska iftiinka Shacabka Ogadeenya ilaashanayo JWXO, isagoo ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in loo midoobo gumaysiga daashaday shacabka dulman sidii looga dul qaadi lahaa madax banaanidoodana u heli lahaayeen. Dareenka bulshadii kasoo qeyb gashay oo runtii lasoo koobi karin shucuurta iyo xamaasada ka muuqatay ayaa waxaa ka hadlay oo kale Mudane Mohamed Dheeg oo muujiyay, midnimadu inay tahay tiirka birta ah ee uusan caddowgu waligii jabin karin, muuqa uu doono iyo magaca uu rabo ha qaatee.

Ugu dembeyntiina, waxaa guul iyo farxad ku dhamaaday xuskii loo qabtay aas-aaskii Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya ee dalka Norway, oo u dhacday sidii loogu talo galay, waxaana dadweynuhu isugu hambalyeynayeen xuska sanadkan oo ku soo beegmay bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyagoo ilaahay uga baryayey Jabhadda ONLF inuu guusha siiyo, dhibka iyo gumeysigana ka dulqaado Shacabka Soomaalida Ogadeenya ee gumeysatada Tigreegu haystaan.

ONA/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay