Maamulka jaaliyada Ogadenya ee wadanka Sweden ayaa maanta ku kulmay Xafiiska jaaliyada ee magaalada Stockholm, Kulankan oo, uu furay Gudoomiyaha Jaaliyada  Mudane Abdi Bashiir  ayaa ahaa mid lagu lafa guraray hawlaha horyaala Gudiga cusub ee dhawaan xilka lawareegay  iyadoo  ugu Horayn Lagu daah furay qorsha hawleedka mudada 2 da sano ah ee soo socota oo ay dhaamanba qoraal kusoo gudbiyeen Masuuliyiinta gudiga fulinta.

kulankan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaday shirka ururka OYSU ee Qaarada Yurub oo ay Marti galin doonto Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Sweden iyadoo inta ka horaysana lasoo dhisi doono Gudi uu yeelan doono Ururka OYSU Sweden.
Sidoo kale waxaa kulankan Goob joog ka ahaa Masuuliyiin Kartisan Jabhada ONLF gudoomiyaha ururka Haweenka Sweden Marwo Ismahan iyo sidookale Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee wadanka Sweden Mudane Ule
Gabagabdii waxaa kulankan Laysku waafaqay sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha jaaliyadu qabato iyadoo ladiyaariyey qorshe dhamaystirin kaas oo waxbadan lafilayo inuu kabadlo nidaamka shaqo ee Jaaliyada wadanka Sweden.
1 2 3 4
ONA/Stockholm
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay