Gumaysi ujeedadiisa ugu dambaysa waa inuu booboo hantida umadaasi ay leedahay iyo khayraadka dabiicga ah ee dalkaasi uu leeyahay, isagoo uga faa’ideynaya shacabkiisa kuna dhisaya dalkii uu ka soo duulay. Ujeedada iyo hadafka gumaystaha waa mid aan cidna ka qarsoonayn oo ku qoran taariikhda shucuubtii la soo gumaystay. (Hoos ka fiiri filim documentry ah oo ka hadlaya arintaa).

Damaca kaga jira gumaysiga wayaanaha khayraadka Ogadenya kama duwana damacii reer Yurub ay sababteeda ku qaybsadeen qaarada Afrika. Qoraaga caanka ah ee Mark Twain kitaab uu qoray oo cinwaankiisu ahaa – isla-hadalkii boqor Leopold- wuxuu kaga shekeeyay sawirka naxdinta leh ee shacabka reer Congo ay kala kulmeen gumaysigii Belgium–ka.

Filim documentary ah oo laga sameeyey sheekada kitaabkaa ku qoran ayaa wuxuu ku bilaabanayaa filimka sidan – caruur reer Congo ah iyo rag iyo haween meel safan oon gacma lahayn -. Sababta gacmaha looga jaray dadkan ayay sheekada ku socotaa, oo ah in ciidanka Belgium-ka iyo dabadhilfyada la shaqeeya ay ciqaab ahaan dadkan gacmaha uga jareen. Sababa kala duwan ayaana dadkan gacmaha looga jaray. Qaar waxaa looga gooyaya gacmaha intii loo qoondeeyay inay ka keenaan caanaha laga sameeyo caaga (Rubber Latex) ayaanay soo dhamaystirin, qaarkoodna si dhaqsa leh ayaanay u shaqaynin oo way ka caga jiideen shaqada dhibka badan, qaar waa la soo qabtay iyagoo jiifa. Dambiyo siyaabahaa ah ayaa gacmaha looga gooyay dadkan. Waxay mararka qaarkood ciidanka dabadhilfka ay keenayaan gacmo ay ka soo gooyeen dadkooda si ay marag uga dhigtaan inay soo laayeen dadkii loo diray een ka soo lisin geedka caanihii caaga ee laga rabay maalintaa. Waxaa ka mid ah sheekada in laga tiriyo kooxda dabadhilifka ah xabadaha ay soo rideen iyo gacmaha ay soo gooyeen inay isla egyihiin iyo in kale si loo sugo in aanay khasaarinin xabadii ay rideen ama aanay ku ugaadhsan xabadihii loo dhiibay. Arinta ah in xabad la rido oo aanay dilin mid u dhashay dalka waxay ahayd dambi gumaysiga agtiisa. Xataa caruurta ayaa gacmaha looga jarayay haddii ay la soo daahaan caanaha.

Intaa ka dib ayuu qoraaga uga sheekaynayaa daawadayaasha barwaaqada ay ku noolyihiin caruurta joogta Belgium iyo farxadda ka muuqata, iyo shukulaatada ay cunayaan iyo baaskiilada ay ku cayaarayaan ee lugaha ku jira laga sameeyey caagii laga keenay meesha caruurta reer Congo gacmaha looga soo gooyay. Waa laba sawir oo aad u kala duwan, oo qoraaga uu ku muujiyay labada nololee ay ku kala noolyihiin dadkii lahaa khayraadka dabiiciga ah oo gacmaha laga gooyay, oo ahaa reer Cong iyo kuwii gumaysanayay oo ku raaxaysanaya khayraadka ay ka boobayaan dadkii lahaa, oo ahaa gumaysigii Belgium.

Arimaha Congo ee sidan u dhacay waxay inoo sawiri karaan qorshaha Wayaanaha uu ku doonayo inuu reer-miyigeena iyo xoolahooda uga xaaraantimeeyo boqolaal kiloomitir dhulkoodii daaqsinta ahaa, iyagoo leh amniga shirkadaha batroolka baadhaya ayaan ku sugaynaa. Waxaa halkaa inooga cad inay danaynayaan oo qudh ah sidii ay batroolkaa ula bixi lahaayeen, aanayse dan kala hayn kumanaanka qof ee laga barakicinayo dhulkoodii hooyo.

Lagama yaabana inay CWXO ogolaadaan in boqolaal kilomitir oo dhulkeenii daaqsinta ah loo xidho toban nin oo ajnabi ah oo loo soo kiraystay in lagu xado khayraadka dalkeena. Haddii uu jiro shaqsi dhuuni raac ah oo gumaysiga u kiraysan oo doonaya inuu ku jahawareeriyo dadweynaheena in shidaalka marka la soo saaro lagu barwaaqayn doono dalka Ogadenya, waxaa tusaale inoogu filan inaan eegno xaaladii ay ku sugnaayeen wadamadii Aasiyada fog (Far East) ee ka hoos baxay gumaysigii Ruushka markuu burburay isbahaysigii Sofyetka. Waxaa la yaab ku noqotay caalamka xaaladda ay ku sugnaayeen jamhuuriyadihii ka hoos baxay Midowga Sofyeti kuwaasoo ahaa wadamada ugu batroolka badan midowga sofyeeti. Hasa ahaatee markii uu burburay isbhaysigii Sofyetka, jamhuurayadihii ka xoroobay gumaysigii Ruushka, sida Azarbijaan, Tajikistaan, Kazakistaan iyo kuwa kaleba waxaa lagaga tagay saboolnimo xad dhaaf ah, cuduro khatar ah oo ka dhashay baya’doodii oo si aan aabayeel lahayn loo baabi’yay iyo dhibaatooyin ka dhashay hubka kiimikada iyo qunbulada nawawiga ah oo lagu tijaabin jiray dalkooda. Waxaa lagu dhisi jiray Mosko iyo Liningarad khayraadka batroolka ee laga boobayay jamhuuriyadahaasi. Xataa dhul beereedkoodii ayaa noqday cusboole daryeel la’aan darteed, dhulkii daaqsinta u ahaana waxaa lagu tijaabiyay hubkaa aan soo sheegnay. Waxaa mudan in aan xusno in dalalkaasi lagu tirinayay inay yihiin dalal xor ah oo ka tirsan si federal ah wadankii xooga badnaa ee loo yaqaanay Jamhuuriyadaha Midoobay ee Hantiwadaaga Sofyeetiga, marla la soo gaabiyana la odhan jiray USSR.

Marka ay dawladihii ka xadaarad iyo aqoonba badnaa gumaysiga Wayaanaha ay sidaa ula dhaqmeen wadamadii iyo dadkii ay gumaysanayeen oo qaarkood la odhan jiray waa Jamhuuriyado xor ah oo ka tirsan tirsan USSR, maxaan ka filanaynaa Tigreegan hororka ku ah hantida dhamaan shucuubta dagan Geeska Afrika?

Waxaynu wada ogsoonahay oo qofna aan qarsoonayn rabitaanka wayaanaha ee ah inuu la boxo shidaalka dalkeena kuna dhiso gobolka Tigree. Xukuumadda Wayaanaha ee KT Zinawi uu madaxda ka yahay waxay u arkaan wadanka Ogadenya inuu yahay dal aan lahayn dad u qalma oo khayraad la ceegaaga. Wasiirkii macdanta ee gumaysiga Alemanyu ayaa hadda ka hor mar ay saxaafaduhu wax ka waydiiyeen digniinta ka soo yeedhay jabhadda ONLF wuxuu si ay cadho ku dheehan tahay ugu jawaabay wariyihii ka socday saxiifadda Sudan Tribune ee waraysanayey; Mar danbe su’aashaa ha’i waydiin, suura galna ma aha buu yidhi inay shirkad walba ay naga cararto markay maqlaan jabhad baa dhulkaa ka jirta!! Waxaa hubaal ah in hawlgalkii Cobolle ay shirkadaha caalamka ee u dhariirinayay shidaalkeena ay digniin siisay.

Boobka ay Wayaanaha ku hayaan hantidii dalka Itobiya oo idil ma aha mid ka qarsoon caalamka. Waa arin lala yaabanyahay sida ay xukuumada Wayaanaha u boobayaan hantidii dalkaasi. Waxay xataa furfurteen xoogaagii warshadahaa ee laga dhaxlay KT Mingiste oy ola kaceen halkaa iyo Makala. Waxay hadda u soo dhigteen inay dhulka beeraha ah ka kireeyaan shirkado ajnabi ah oo beeralaydii dhulka lahaana lagu ururiyo xeryo loo ooday. Waxay budhcad-nimada noocan ah muujinaysaa inay xukuumada Wayaanaha aaminsan tahay in ayna ku nagaanayn xukunka sidaa darteed ay u boobahayaan wadanka Itobiya, iyagoo u sii tabaabush-aysanayaan siday ula go’i lahaayeen gobolkooda haddii xukunka lagala wareego.

Wareegtadii sirta ahay ee dhiigyacab Zinawi uu u qoray wakiilada ururka TPLF ayayna ku xusnayd in qawmiyadda Tigree isu diyaariyaan saacadda kala tagga Itobiya.

Jabhadda Wadaniga ee Xoreynta Ogadenya waxay uga digaysaa shirkadaha Shiinaha in aanay faraha la galin shidaalka dalkanaga inta gumaysiga uu ka jiro dalka Ogadenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay