Maalintii Sabtida ee taariikhdu ahyd 07dii bisha Fabraayo 2015 waxa ka qabsoomay magaalada Seattle Washington ee carriga Maraykanka doorashadii gudoomiyonimo ee jaaliyada S.Ogadenia ee magalada Seattle. Doorashadan oo sida caadiga ahba qabsoonta sanadkiiba mar ayaa waxa kasoo qaybgalay codkoodana dhiibtay xubnaha jaaliyada ee magaaladas.

seattle1Doorashadan aya sida xeerku dhigayo waxa soo qabanqaabisay  guddi  doorasho. Guddida  doorashada oo ka koobnaa sadex xubnood ayaa waxay kaso  dhexsaareen sadex xubnood oo ay  marka u arkeen inay qabankaraan  xilka gudoomiyanimo unasoo  bandhigay xubnaha jaaliyada  magalada Seattle. Halka laba  xubnood oo kalana ay kudareen  xubnaha jaaliyada ee kaso  qaybgalay doorashada taas oo tirada musharixiinta kadhigtay 5 xubnood.

Doorashadan oo ahayd mid u qabsoontay si dimuqraadiyad a ayaa  waxa lasiiyay xubin kasta warqad uu  ku codeeyo kadibna waxa si habsamileh u bilowday codaynta oo  ay gadhwadeen u ahaayeen guddiga  qabanqaabada doorshada halkaas  oo uu xubin kasta ugu codeeyay  qofkii uu u arkayay inuu noqonkaro  guddoomiyaha kadibna labilaabay  tirinta codadka.

seattle3Dhamaadkii  doorashada waxaa ku guulaystay mudane Dr. Cali Maxamed Axmed (Cali Yare). Dr. Cali Yare waa halgmaa rug cadaa ah, inbadana halganka Ogadenia kusoo jiray. Xilal farabadana meelo badan kasoo qabtay sida Minnesota,  San Diego iyo Damaam Sucudi Carabia. Dr. Cali waa abwaan curiya gabayada iyo suugaan halgameedka. Waxaa intaasi u dheer waa suxufi usoo shaqeeyey sida saxaafada qorahay media iyo kuwa kaloo badan.

Gunaanadkii waxa xilka guddoomiyenimo si kalgacal iyo  walaaltinimo ah ugu wareejiyay  gudoomihii hore mudane Cabdullaahi  Daahir ballana ku qaaday inuu si buuxda ulashaqayndoono  guddoomihan cusub ee badalay  halka xubnaha jaaliyaduna waji  farxadleh kuso dhaweeyeen.

seattle7 seattle6 seattle4 seattle2 seattle

Faysal Ibraahim
Seattle, WA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay