DSC0020810 February, 2015

Waxaa bisha Febrayo 9keedii, 2015 ku kulmay magalada Nairobi ee Dalka Kenya, wafdi ka socday Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO) iyo wafdi ka socday dowladda Itoobiya.

Wafdiga JWXO (ONLF) wuxuu  ka koobnaa Guddoomiyaha Arrimaha Dibedda, Cabdiraxman Maxamed Sh. Mahdi iyo Xoghayaha Golaha Dhexe mudane Maxamed Cabdi Yaassin. Wafdiga ka socday Dowladda Itoobiyana wuxuu ka  koobnaa Wasiirka Gaashandhiga Sireje Fergesa iyo madaxa Sahanka Ciidanka Itoobiya General Gabre Dilla.

Waxaa wufuudddaas Gogosha u fidiyay Dowladda Kenya waxaana shirka daadihinayay guddiga Dhexe-dhexaadinta Kenya ee ONLF iyo Itoobiya oo uu guddoominayay Senator Yusuf Xaaji, kana koobnaa Safiir Maxamed Cabdi Affey, Xildhibaan Yusuf Xasan iyo Safiir Cali Qorane.

Shirkaas oo lagu qorshaynayay sidii dib loogu bilaabi lahaa Wadahadlkii JWXO iyo Dowladda Itoobiya ee 2012kii hakaday,  waxaa lagu falanqeeyay qodobo dhawr ah. Labadii dhinac ee shirka ka qaybgalay waxay isku afgarteen qaar kamid ah qodobadii shirka la soo hordhigay,  waxaana lagu heshiiyay in dib la isugu soo noqdo xilli dambe.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Oggadenia

Nairobi

10 February 2015

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay