Waxaa magaalada JHB lagu qabtay caawa shir aad u wayn oo ay soo xaadireen dadkii dagan gobolka Guareng iyo nawaaxigiisa.

Shirkan oo ah mid si fiican loosoo abaabulay ayaa ka mid ahaa martisharafta ka qaybgalay mudane Cadaani Hirmooge oo ku maraya dalka Koonfur Afrika booqasho hawleed.

image (4)Mudane Cadaani ayaa ka jeediyay warbixin qodo dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha shirka isagoo dadweynihii isugu yimid uga warbixiyay xaaladda uu ku sugan yahay halganka shacabka Somalida Ogadenya gude iyo dibadba.

Waxaa iyadana warbixino ka jeediyay goobta odayaal meeqaam ku leh jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kalle ka hadlay Gudoomiyaha xaafada Mayfar oo ka socday dawlada iyo  madaxa police xaafada ahna xubin sare oo xisbiga ka taliya dalka ee ANC kamida . Sidoo kale waxaa joogay xubno kale oo kasocda laamaha xukuumadda Koonfur Afrika.

image (1)Shirkan oo lahaa bilic aad u saraysa iyo soo jiidasho ayay kooxda Xidiga K/Afrika ka muujisay wacdaro lama ilaawaan ah iyagoo soo bandhigay heeso halgameed uu curiyay abwaan Asad Cali dheere. Waxaa sidoo kale gabayo ka tiriyay Abwaan Khadar Colaad iyo kooxda dhaanta oo ka haqab tirtay dadwaynaha dhaantooyinka halganka oo lagu diirsaday.

Waxaa la odhan karaa waxay ahayd xalfadii ugu qiimaha badnayd ayaa ka dhacday meesha waxay ahayd mid Soomaali aanay u kala hadhin.

image (5) image (3) image (6)

image

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay