Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa kawarbixinaya dagaalladii ugu dambeeyay ee dhex mara
Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gabalkoodii siidhacayo ee gumaysiga Itoobiya waxayna udhaceen sidan.


5/2/15 Duleedka Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo kuwa ciidamada gumaysigu
qaataan ah waxaana ku halaagsamay dhamaan wixii ciidan saaraa.


7/2/15 Shilaabo oo Gobolka qoraxay katirsan dagaal xoogan oo cwxo iyo kuwa gumaysiga kudhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta
lahubsaday 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.


7/2/15 Magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo weerar mir ah oo ay CWXO kafuliyeen waxaa ciidanka gumaysiga kaga bakhtiday 5 askari 4
kalana way kaga dhaawacantay.


8/2/15 Fardhiig oo Qabridahare katirsan dagaal xoogan oo kadhacay wxaa ciidamada saama laluudka ah ee Gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan
faahfaahintiisa lahelin.


10/2/15 Feedhacade oo Gunagado katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.


10/2/15 dagmada Shilaabo weerar dagaal habeenimo ah oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka dulaysan ee wayaanaha lagaga
dilay 3 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay