Kooxda DANAB ee xidigaha bariga africa ayaa caawa ka dhigay magaalada Nairobi Riwaayad aad u qiimo badan oo ay kooxdu mudooyinkii u dambeeyeyba ku howlanaayeen soo bandhigideeda.

Riwaayadan oo loogu magac daray XORNIMAA NA KAAFISA ayaa lagu qabtay Hall ka caanka ah ee SARAKASI DOME oo ku yaala badhtamaha magaalada Nairobi,waxaana kasoo qayb galay dad aad u tiro badan oo mar kasta aad ugu ciil qaba inay daawadaan riwaayadaha iyo bandhig faneedyada ay soo bandhigaan kooxda DANAB eexidigaha bariga afrika.

Dhanka amaanka iyo sabsami u socodka dhaqdhaqaaqa dadka ayay aad u sugayeen ciidanka police wadankaasi Kenya waxayna gaaf wareegayeen dhamaan dhinacyada Hall ka ay riwaayadu ka dhacaysay goobka iyo dhismayaalka ku xeeranba si ay u xaqiijiyaan amniga.

Riwaayadan ayaa lagu soo bandhigay majaajilooyin,heeso,dhaantooyin dhammantoodba ku qotoma halganka Ogadenya lagu xoraynayo aadna ay ula qiiroodeen kasoo qayb galayaashii

Nala daawada qaar kamid ah hordhacii riwaayada oo aan si live ah uga soo duubnay goobta ay ka dhacaysa,waxaadna riwaayada oo dhamaystiran kala socon doontaan soo bixitaankeeda rugaha jaaliyadaha iyo kooxda Danad.

ONA/NAIROBI

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay