Waxaa guul kusoo xidhmay qaybtii koobaad ee shirwaynhii 11aad ee Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee K/Afrika shirka qaybtiisii koobaad maanta waxaa warbixin dhaxal gal ah kasoo jeediyay Afhayeenka JWXO Mudane Cadaani Hirmooge sidoo kale waxaa qudbado yar yar oo salaan iyo mahadcelin ah kasoo jeediyay mudanayaasha kala ah Mudane Sh Xamdi iyo Mudane Cabdirashiid oo labaduba kamida xubnaha Golaha dhexe ee JWXO

intaas kadib waxaa si talan taali ah warbixin sanadeedkii jaaliyada usoo jeediyay masuuliintii soo maamulaysay sanadkii taGAY isla markaana waxaa laqaatay xiligii salaada iyo qadada waxaana si firfircoon dib loogu furay shirkii waxaana warbixino kasoo jeediyay Faracyada jaaliyada oo kawarbixiyay wax qabadkoodii sanadkii tagay sidoo kale ururada bulshada ee jaaliyada sida OYSU iyo UHO intaas kadib waxaa laguda galay qiimaynta Jaaliyada waxaana la isla qaatay in sanadkii lasoo dhaafay ay 33.5% kor ukacsamaysay jaaliyadu dhan walba oo ay ugu horeeyso dhanka dhaqaalaha iyo abaabulka

Maamulka jaaliyada ayaa dhankood bogaadiyay xubnihii sida hawl karnimada ah wax ula soo qabtay sanadkii tagay iyagoo shahaado sharaf gudoonsiiyay xubno badan oo isugu jira Xarunta iyo faracyad
Kala soco qaybta labaad ee shirka Wakaalada Wararka Ogadenya(ONA)

ONA/South Africa

DSC03260

 

 

 

 

 

 

 

DSC03205

 

 

 

 

 

 

 

DSC03344

 

 

 

 

 

 

 

DSC03312

 

 

 

 

 

 

 

DSC03349

 

 

 

 

 

 

 

DSC03262

 

 

 

 

 

 

 

DSC03269

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay