Waxaa maalinti labaad socda shirwaynihii Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Koonfur Afrika ,shirka  ayaa laga soo jeediyey casharo  dhaxal gal ahaa oo la xidhiidhay taariikhda ogaadeeniya, Soomaaliya iyo Abasiiniya sidoo kale guud ahanba Geeska Afrika.

Casharadaas oo uu bixiyay Afhayeenka JWXO mudane Cadaani Hirmooge oo shirka joogay ayaa ahaa mid aad looga maqsuuday isla markaana ay xubnuhu ka bogteen su-aalo badan oo taariikhda lagu dhex maldahay.

Intaas kadib waxaa si mug wayn looga dooday xeer-hoosaadka Jaaliyada oo ugu danbayntii la ansixiyay sidoo kale warbixinada shirka waxaa dhex socday guubaabo iyo heeso halgameed aad u qiimo badan, talooyin iyo toosin,waxaana si guul ah losoo xidhay shirkii iyadoo lagu wado in maalinta barito ah uu dib ufurmo halkaas oo lagu dooran doono maamulka cusub in shaa allah.

ONA/South africa

234

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay