JOKA

WARSIXAAFADEED KASOO BAXAY SHIRWAYNIHII JAALIYADA S/OGAADEENIYA EE DALKA K/AFRIKA

Waxaa maalmihi ugu danbeeyay magaalada Pretoria kasocday shirwaynihii 11aad ee Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika.

Shirkan oo  socday mudo 3 maalmood ah oo ku beegnayd 16-17-18/02/2015 ka ayaa lagu dhagaystay waxqabadkii sanadlaha ahaa ee Jaaliyada sidoo kale waxaa lagu dajiyay istaraajiijiyada Jaaliyada mid abaabul, dhaqaale iyo qorsheedba.

DSC03492Waxaa shirka lagu doortay maamul cusub oo uu hogaaminayo Mudane Maxamed Daahir oo mar labaad loodoortay Gudoomiyaha Jaaliyada kadib markii loobogay wax qabadkiisii sanadkii tagay.

Shirkan waxaa ka qayb galay Mudane Caaani Hirmooge oo bilawgiina war bixin waafi ah siiyay Xubnaha dhamaadkiina Dar-daaran ku sagoontiyay.

Ugudanbayntii waxaa shirka kasoo baxay war murtiyeed

Jaaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Dalka koonfur Afrika waxaay Shacabwaynaha Ogaadeeniya udiraysaa hanbalyo in ay Jaaliyadu si buuxda ugu guulaysatay qorshaheedii sanadlaha ahaa waxayna shaqacabka Soomaaliwayn ee dalka Koonfur Afrika uga mahad celinaysaa taageeradii iyo taladii ay lagarab taagaanyeen waxayna ka codsnaysaa in ay sii laba jibaaraan.

Jaaliyadu waxay Beeshaa caalamka oo ay ugu horayso Dawlada K/afrika ka codsanaysaa in dhibaatada Ogaadeeniya oo ah qadiyad Afrika dhexdeed ku dulman si baraarugsan loo eego xalkeedana laraaadiyo waxayna codsigaa u diraysaa South Africa, A.U, UN Iyo beesha caalamkaba sigaarana waxay jaaliyadu beesha caalamka uga codsanaysaa in indhaha lasoosaaro Jeel Ogaadeen oo ah meesha muwaadiniinta Ogaadeniya lagu ciqaabo.

Jaaliyadu waxay u mahadcelinaysaa dawlada Kenya dadaalka wanaagsan ee ay ugu jiraan in ay xal kagaadhaan Qadiyada Ogaadeeniya.

Jaaliyadu waxay Canbaaraynaysaa Gumaysiga madaw ee waxmagaradka ah ee xasuuq wadareerdka ku haya dadka Ogaadeeniya.

Jaaliyadu waxay dhanbaal waano ah udiraysaa cidkasta oo ku gabood fashay qadiyada ogaadeniya in ay dib uga waantawdo umadooda dulmana aysan uga garbaynin gumaysiga.

Digniin

Jaaliyadu waxay u digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay lidi kunoqoto habu socodka Jaaliyada iyo qorshayasheeda in aysan ku kadsoobin islamarkaana ay ilaaliyaan dagananshaha iyo xurmada wadanka aan ku nool nahay oo lama taabtaan ah.

Ugu danbayntii Jaaliyadu waxay Madaxda JWXO ugu hanbalyaynaysaa hab usocodka halganaka iyo hufnaanta sidoo kale guusha aad ka gaadheen in shacbkeenu adkaysto waxaana idin leenahay hal adaygiinaa kuwada halganka.

MIDNIMO MINTID ISKU TASHI ALLAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR

GUUL IYO GOBANIMO

Maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika

Xaafiiska Pretoria.

DSC03566 DSC03535 DSC03533 DSC03495 DSC03494 DSC03492 DSC03486 DSC03573

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay