Waxaa Aqal-Cad ee looga taliyo Dalka Mareykanka la’isgu keenay shir loogu magacdaray -Ka Hortagga Dagaalka Xagjirka- Saraakiisha Booliska, Madax ka socota Muslimiinta Mareykanka iyo Xildhibaano Sharcidajinta ah. Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa;

obama“Waxay faafiyaan (qolada xagjireenka ah) hadala ay ka mid yihiin in Mareykanka iyo guud ahaan ree Galbeedka ay dagaal ku hayaan Islaamka. Siyaabahaa ayay ku kasbadaan dadka, sidaa ayay kaga dhigaan xagjireen dhalinyarada.” Wuxuu raaciyay; ” Waa been aan jirin .. dagaal kulama jirno islaamka. Waxaan dagaal kula jirnaa kuwa Islaamka Dhalanrogaya.”

Wuxuu yidhi madaxweyne Obama; waxaan doonayaa inuu kor u kaco dalka Mareykanka fikirka dulqaadka iyo wadanoolaashaha. Wuxuu soo qaatay warqad uu yidhi waxaa iisoo dirtay gabadha yar oo 11 jir oo muslimad ah oo lagu magacaabo Sabrina, waxay tidhi buu yidhi gabadhaasi; waxaa walwal iga hayaa dadka neceb muslimiinta, waxayna ka codsatay Obama inuu u sheego qofkasta inay muslimiinta la mid yihiin dadka kale oo aanay ka duwanayn.

“Qofkasta ha xasuustaa intay doodan socoto in loo baahanyahay in aan ka gudubno caqbadaha nahortaagan.” ayuu yidhi M/weyne Obama. Wuxuu raaciyay masuuliyadda saaran madaxda bulshada muslimiinta Mareynkanka inay cadeeyaan in aanay jirin odhaahda ay faafinayaan Xag-jireenka ee ah Islaamka iyo Xadaarada casrigan way iska horimanayaan.

“Argagixisada waa in aanay ku hadlin magaca milyaarka muslimiinta ah” ayuu raaciyay.

Waxaa ku xigay shirkan, shir kale oo wasiira ka socda dalalka islaamka iyo xukuumadda Mareykanka ay kaga hadlayeen arimaha argagixisada, shirkaasoo sidii caadada ahayd ay afkaaro kala duwan oo kala jeeda ay kasoo jeediyaan wasiiro ka socday dalalka Carabta oo siyaaba kala duwan doonaya inay uga faa’idaystaan la-dagaalnaka argagixisada.

Waxaa kaloo uu Madaxweynaha Mareykanka ku eedeeyay xukuumadda Ciraaq iyo Suuriya inay iyagu sabab u noqdeen inay dhalato dawladda Daacish ama ISIL oy qabsato dhulka ay hadda haysato. Riix Halkan:

Waxaan la soconaa in xidhiidhka labada dal ee Masar iyo Qatar uu sii xumaaday ka dib markii ay dawladda Qatar diiday inay wax ka saxiixdo bayaan kasoo baxayay dalalka Carabta oo lagu taageerayay weerarkii ay dayaaradaha Masaarida ku qaadeen dalka Libiya. Arintaa ayay Masraaida ku macneeyeen inay Qatar taageerto Argagixisada, taasoo ka dhalatay inay Qatar kasoo qaadato safiirkiii u fadhiyay Qahira, isla markaana ay dawladaha ku bahoobay Khlaiijka

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay