Maanta oo sabti ah taariikhduna ay kubeegnayd 21/2/15 waxaa munaasabad aad ubalaadhan lagu qabtay xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi munaasabadan ayaa ahay mid lagu xusayay xasuuqa joogtada ah ee kasocda wadanka ogadenia waxaana munaasabadan sooqaban qaabiyay faraca OYSU ee xerada xagardheere.

Munaasabada oo ahayd mid modo lasoo qorshaynayay aadna loosoo qabanqaabiyay ayaa furanta 9:30 am xiliga Africa da bari waxaana sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi baliiq ah oo uu soojeediyay fadilatul sh cabdiqaadir suldaan. Sheekha ayaa in badan dadkii madasha fadhiyay xasuusiyay cabsida Allah wuxuuna kudheeraaday muslimiinta iyo sida loogu baahan yahay in ay usamraan wixii dhibaato ah ee lasoo darista wuxuuna sheekhu sheegay in aan ajri fara badan ka heli doono hadaan kusamiro xasuuqa ay ciidanka Ethiopia inoogaysanayaan.

Intaas kadib waxaa makarafoonka qaatay xoghayaha OYSU xagardheere mudana cabdiraxmaan faarax barkhadle oo ugu horaynba umahad celiyay allehii suurta galiyay in ay qabsoonto xafladan qiimaha badan sidoo kale wuxuu xoghayuhu u mahad celiyay marti sharaftii kakala timid xeryaha kale ee Dhadhaab sida Dhagaxlay iyo Ifo iyo waliba mas’uuliyiin jabhadeed oo munaasabada barood diiqda ah fadhiday. Intaas kadib xoghayaha oo siquruxbadan shirka uhagayay ayaa kusoodhaweeyay laanta warfaafinta ee OYSU Xagardheere waxayna madasha ka akhriyeen dhacdooyin tiiraanyo leh oo ay bidha fabarayo ugu talagaleen waxaana dhacdooyinkaas kamid ahaa xasuuq wadareed ay ciidamada gumaysigu kagaysteen gayiga ogadenia  waxayna sidoo kale soojeediyeen taariikh kooban oo uu halganka ogadenia soomaray waxayna madasha shirku isu badashay meel murugo markay halgamayaashu akhriyayeen xasuuqii arxan la’aanta ahaa ee ogadenia kadhacay.

Sidoo kale waxaa makarafoonka lagu soodhaweeyay gudoomiyaha gudiga qoxootiga ogadenia ahna xubin odayaasha kasocday wuxuuna madasha kasoo jeediyay khudbad dhaxal gal ah oo isugu jirta guubaabo iyo xogwaran wuxuuna dhalinta aad ugu guubaabiyay in ay dadkooda laxasuuqay iyo dalkooda maqanba wax ubartaan.

Sidoo kale waxaa lagu soodhaweeyay Hogaanka arimaha Bulshada ee OYSU Heer aduun mudane Bashiir oo madasha xaadir ku ahaa wuxuuna hogaanku soojeediyay warbixin aad uqiima badan wuxuuna qeexay sababaha OYSU kukalifay in ay aduunka oo dhan kadhigaan ama kaxusaan maalinta xasuuqa ogadenia wuxuuna tilmaamay in ay kamid tahay qorsha howleedka OYSU ee sanadkasta sidoo kale wuxuu hogaanku dhalinta kuguubaabiyay in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay garab istaagaan dulmanayaasha ree ogadenia ee laxasuuqayo.

Sidoo kale waxaa khadka isgaadhsiinta ee wadanka Australia shirka kaga qayb galay xoghayaha guud ee OYSU mudane Jamaal ugaas xukun oo runtii hadal lagu diirsaday madasha kasoo jeediyay wuxuuna ugu horaynba u mahad celiyay qabanqaabiyayaasha munaasabadan xasuuqa iyo dhamaan dadka kasoo qayb galay wuxuuna sikoobad uga warbixiyay OYSU iyo waxa uga qorshaysan xasuuqa ogadenia kasocda iyo sida ay ugu dadaalayaan in ay aduunka ubandhigaan xasuuqa kasocda wadanka ogadenia sidoo kale xoghayaha ayaa kasheekeeyay guulaha ay dagaalada qoriga iyo qalinka isugu jira ay kagaadheen bulshada ogadenia wuxuuna sheegay in ay shacabka oo kaashanaya ciidanka wadaniga xoraynta ogadenia in ay itoobiya kuqasbeen in ay timaado miiska wada hadalada wuxuu sidoo kale sheegay in ay itoobiya kukala dhaqaaqayso doorashada soosocota oo ay uduunka sheegeen in aysan udiridoonin wax goobjooga ah maadaama oo ay xukuumada TPLF gumaad kuhayso shacabka ay gumaysato oo ay ogadenia na kujirto.

Sidoo kale waxaa khudbad qiimabadan madasha kasoo jeediyay Naftiihure cabdulaahi xaashir oo in badan kusoo jiray halganka ogadenia wuxuuna halgamaagu kawarbixiyay dhibaatooyin badan oo uu usoo joogay iyo dhaqanka xun ee gumaysiga.

Waxaa sidoo kale madasha kahadlay bashiir sh cabdulahi oo kasocday OYSU Ifo iyo marti sharaf kale oo aan lasoo koobi Karin.

Sido kale waxaa madasha lagu soobandhigay hooga 60 jir ah oo ay ciidanka gumaysigu naafeeyeen oo biro kuboogaysa waxaana hooyadaas kamuuqata dhibaatooyinkii loogaystay.

Intaas kadib waxaa lagu wareejiyay kooxda KACAAN oo ah koox kucaan baxday guubaabada iyo kicinta shacabka dulman ee ogadenia waxayna kooxdo soobandhigtay riwaayay aad u murugo iyo mucjiso badan oo ay kumatalayaan xasuuqa ay ciidanka wayaanihu ugaystaan shacabka dulman ee ree ogadenia waxayna kooxdu kudartay suugaan aad uqiiro badan oo cidii dhagaysanaysayba ay ilinta xajisan wayday iyadoo daawadayaashii la arkayay dad ay ilintu katif leedahay

Guntii iyo gabagabadii xaflada manta ayaa ahayd mid si heer caalami ah loodhigay ayna kasoo qayb galeed dad aad ubadan oo kamid ah shacabka ree pgadenia iyo shacabka soomaaliyeedba.

DSC01219 DSC01220 DSC01221 DSC01222 DSC01223 DSC01224 DSC01225 DSC01226 DSC01227 DSC01228 DSC01229 DSC01230 DSC01231 DSC01232 DSC01233 DSC01234 DSC01235 DSC01236 DSC01237 DSC01238 DSC01239

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay