Munaasabad  boroor diiqa ah oo lagu Xusay Maalinta Xasuuqa Ogaden ayaa lagu qabtay Magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape waxaana ka soo qayb galay dadweyne isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Port Elizabeth Iyo Qaar ka mida Ururada bulshada ee Dalka Koonfur Africa sida Ururka Dhalinyarada ee Koonfur Africa qaybtiisa Magaalada Port Elizabeth ( ANC Youth League)  Iyo Xubin ka socday hay’ada Xuquuqda Aadanaha u dooda ee la yidhahdo Human rights Watch  Arday Iyo Marti Sharaf kale

4Boroor diiqadan oo ahayd Munaasabad Si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa soo qaban qabiyay Ururka Midawga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadeniya (OYSU) waxaana goobta joogay Xildhimaano ka tirsan Golaha dhexe ee Jabhadda ONLF Xubnaha Jaaliyadda Ogaden ee Konfur Africa Iyo Xubno Ka socday Ururka Dhalinyarada Soomaaliya ee Magaalada Port Elizabeth oo loogu magac daray Ururkii (SYL).

Boroor diiqdan oo uu Shir Gudoon ahaa Mudane Axmed Sheikh ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalo Iyo Qoraalo muujinaya tacadiyada Iyo Xasuuqa ka dhanka ah Xuquuqda aadanaha ee loo gaysto Shacabka Ogadeniya ee aan waxba galabsan tacadiyadaas ayay  Ciidamada gumaysiga Itoobiya dadka rayidka ah joogto ugu gaystaan Iyaga oo aan u kala aabayeelin Shacabka Somalida Ogaden.

6 5 4 2Waxaa baroordiiqda Warbixin ka jeediyay Xoghayaha Ururka Midawga dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadeniya ee Magaalada Port Elizabeth Amiin Sheekh Cali,  Xildhibaano ka tirsan  Golaha dhexe ee Jabhadda ONLF, Gudoomiyaha Jaaliyadda Ogaden ee gobolka Eastern Cape  Bashiir Muxumed, Aqoonyahano Arday Iyo dhamaan Hay’ adihii ka qayb galay baroor diiqda Xasuuqa Ogaden Iyaga oo dhamaan ka waramay Xasuuqa Ogaden laga bilaabo 1994—-2015 Iyaga oo sheegay in ilaa haatan Shacabka Ogaden ku socdo Xasuuq  Qarsoon oo uu gumaysiga Itoobiya ka xayiray indhaha Iyo dhagaha Caalamka.

Dadkiii goobta ka hadlay ayaa walaac ka muujiyay Xaalada Xuquuqda aadanaha ee Ogaden kadib markay daawadeen Muqaalo argaxag leh oo goobta laga  sii daayay isla markaana dhagaystay  qoraaladii baroor diiqda ahaa ee la akhriyay Iyo fariimihii Agagaxa lahaa ee Goobta laga sii daayay waxaana dadweynaha lagu dhiiri galiyyay sidii wax looga qaban lahaa  Xaalada aadanaha ee ka taagan Ogaden Iyo gabood falada ka dhanka ah Shacabka Ogaden ee uu u gaysto Ciidanka gumaysiga Itoobiya ee ku soo duulay dalka Ogadeniya.

7 8 3 1

Sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay oo baroordiiq noocan oo kale ah lagu qabto Magaalada Port Elizabeth  kaas oo lagaga hadlayo Maalinta Xasuuqa Ogadeniya balse waxaa la qabtaa Sanadwalba xiliyadan oo kale bisha Fabraayo

Xayi Yare

ONA

Port Elizabeth

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay