Waxaa maanta magaalada JHB ee xarunta ganacsiga dalka Koonfur Afrika siwayn loogu xusay Maalinta Xasuuqa Ogaadeeniya oo ka dhacday Jaamacada wayn ee Universaty Of Johannesburg.

Waxaa xalfadan siwayn usoo qalqaaliyay ururka OYSU ee ka hawlgala dalka K.Afrika ayadoo qaybteedii ugu horaysay ay ka dhacaday magaalada Port Elizaberth ayaa maanta si aad u wayn looga xusay magaalada JHB. Waxaa kasoo qaybgalay haya’do, Looyaro, Xubno dawli ah, Afhayeenja JWXO mudanae Cadaani, Shacab waynaha Soomaaliyeed, Masuuliyiinta JOKA, Ururka Haweenka Ogaadeeniya, Xunbaha Jaaliyada iyo ururka OYSU.

DSC03630

DSC03704 DSC03701 DSC03658 DSC03732Waxaa munaasabada siwayn uga hadlay looyar kamid ah dalada qareemada ee gacanta ku haya dacwada ka-dhanka ah gumaysiga madaw ee gumaadka ku haya shacabka Ogaadeeniya wuxuuna sheegay in ay mudan tahay in dacwadaas dhawaanahan talaabooyin ay qaadi doonto. Waxaa sidoo kale qudbad ka jediyay mudane Cadaani Hirmooge iyo xubno ha socday Hay,ado caalami ah sida Action Support Centre, Human Right Lawyers iyo dadkale. Sidoo kale waxaa goobta lagu daawaday filimaan muujinayay tacadiga dadka shacabka loogaysto.

Ugu danbayntii waxaa la furay suaalo ay si wada jir ah uga jawaabayeen Looyar mudane Siyaad Bataal , Mudane Cadaane oo matalayay JWXO, mudane Maxamed Daahir oo matalayay JOKA, Halganto Zamzam oo matalaysay ururka OYSU, iyadoo si wanaagsan looga jawaabay su-aalihii. Afhayeenka shirka mudane C/rizaas Aadan oo si soo jiidasho leh u maamulayay shirka ayaa siiyay xili nasasho ah markii waqti badan oo xiisa leh la fadhiyay madasha.

DSC03618

DSC03706 DSC03694

Shirkan baroordiiqda ah ayaa ku dhamaaday si wanaagsan oo dadkii kasoo qaybgalay ay arkeen dhibaatada uu gumaysiga Itobiya ku hayo shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

lasoco muuqaalo iyo qudbado shirka ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay