Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 28/2/15 Waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay shirwaynihii faraca Midnimo. Shirwayaha faraca oo ah shir sanadle ah ayaa lagu doortaa maamul cusub oo faraca hogaamiya 12 ka bilood ee soo socda hadii Alle idmo sidoo kalana waxaa lagu sagootiyaa maamulkii hore ee sanadkii tagay howsha faraca soowaday.

DSC01244 DSC01242

DSC01246Ugu horayna shirwaynaha maanta qabsoomay ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana sidii caadada ahaydba lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi qiimo badan oo uusoo jeediyay Hogaanka arimaha diinta iyo dabagalka sh cabdi najiib wuxuuna sheekhu kudheeraaday cabdida Allaah S.W iyo buuxinta waajibaadka uu Allaah ina faray sida jihaadka kasocda Ogadenia oo ah mid cayni ah.

Intaa kadib waxaa warbixin qaali ah oo dal iyo dibadba ah soojeediyay xoghayaha OYSY ee farac midnimo mudane muuse cismaan oo dul maray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay isku fara saareen CWXO iyo kuwa gumaysiga oo lagu naafeeyay ciidamada cadawga iyo arimaha siyaasade ee wadanka dibadiisaba. Sidoo kale waxaa warbixin waafi oo kusaabsan arimaha faraca soojeediyay gudoomiyihii Hore ee faraca Midnimo mudane Axmad Daahir oo sharaxay waxqabadkii faraca ee sanadkii tagay iyo tirada guud ee xubnaha JWXO ee Dhagaxlay kusugan iyo waliba taageerayaasha jabhada wuxuuna gudoomiyuhu kudhawaaqay in ay xilkii dhigeen haday yihiin maamulkii uu xilku kadhamaaday.

DSC01269 DSC01268 DSC01267 DSC01257 DSC01256 DSC01255 DSC01254Intaas kadib waxaa hogaanka iyo hagitaanka shirkaba lawareegay gudigii farsamada oo si heersare ah uga sooshaqeeyay doorashada waxayna sharaxaad kabixiyeen qaabka ay doorashadu u dhacayso oo ah qaabka qardoodiga ah oo waraaqaha lagu cudeeqo iyo waxa qofkasta laga doonayo sharaxaad kadib waxay guda galeen sidii ay dadka mid mid ugu hor istaajin lahaayeen dadkii ay sooxuleen in lakala doorto iyagoo halkii boosba usoo sharaxay 2 xubnood oo ay aad uku galsoonyihiin xilgudashadooda waxaana gudoomiye loodoortay Halgame cabdulaahi cabdikariim oo kamid ah xubnaha faraca ugu firfircoon sidoo kale waxaa xoghaye loodoortay sh aadan macalin oo inbadan howlaha faraca kazoo shaqeeyay sidoo kale waxaa madasha lagu doortay Hogaanka Arimaha Bulshada, Hogaanka dhaqaalaha, Hogaanka dabagalka iyo diinta, Xoghayaha OYSU midnimo iyo Hogaanka arimaha Haweenka. Waxaa madasha hadal gaaban ka soo jeediyay gudoomiyihii hore isagoo  hambalyo iyo bogaadin u jeediyay gudida cusub ee xilka culus ka badashay. Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Xoghayaha Faraca Iftin ee ka dhisan xerada Xagardheere mudane cabdulaahi oo hadal qiimo badan kazoo jeediyay shirka isagoo bogaadiyay dhamaan kasoo qayb galayaasha shirka iyo gudiyada isbadalay dhamaantood wuxuuna cabdulaahi sigooni ah u amaanay xerada Dhagaxlay faraca ka dhisan oo uu kusheegay kuwa ugu hormarsan deegaanada Faafi iyo Dhadhaab wuxuuna carab baabay in ay wax badan ka faa’iidi doonaan faraca Midnimo.

Sidoo kale waxaa khudbad kooban shirka kusoo xidhay gudoomiyaha cusub oo ugu horaynba codsaday in faataxada loomaro si Allaah ula garabgalo xilka culus oo loodhiibay sidoo kale wuxuu bulshada kacodsaday in ay garab istaagaan oo aysan kaga hadhin howsha ay u igmadeen.

DSC01264 DSC01253 DSC01248 DSC01249 DSC01244 DSC01243 DSC01240 DSC01241 DSC01247 DSC01242

Guntii iyo gabagabadii shirwaynihii maanta oo ahaa mid taariikhi ah ayaa kusoo dhamaaday sinabad galiyo ah waxaana siguud loogu balamay halgan daba dheer iyo guul iyo gobonimo.

ONA Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay