Waxaa saacada ka hor dil qorshaysan ku dhintay xerada Ifo muwaadin u dhashay Ogadenya oo ka mid ahaa guddiga Qaxootiga Ogadenya. Shirqoolka lagu dilay muwaadinkan ayaa waxaa hubaal inay Itobiya ka dambayso. Iyadoo dhowr jeer oo hore la damcay in la dilo muwaadinkan oo si hagar la’aan ah ugu shaqaynayay dadka ka soo qaxa Ogadenya isla markaana gaadhsiin jiray dhibaatada soo gaadhay muwaadiniintaa haya’adaha samafalka iyo saxaafadda caalamka. Wuxuu Ilaahay ka badbaadiyay qorshayaal dhagareed uu cadawga ka dambeeyay dhowr jeer. Waxaa naloo sheegay in dacwada ku saabsan arintaa la gaadhsiiyay haya’daa qaabilsan maamulka qaxootiga Ifo.

Cabdirizaq Tiibaa Allaha u naxariistee isagoo sooman oo ku sii socda salaada Jimcaha inoo soo tugado oo masaajidka hortaagan ayuu shaqsi madaxa soo duubtay oo calaamadihiisa lagaranayo ka toogtay meel halis ah, wuxuuna mudda yar ka dib u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Badhitaan ayaa socda waxaana la filayaa in goordhow la heli doono shaqsigii gaystay faldambiyeedkaa.

Inaa Lilaahi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun.

ONA/Ifo.

 
 

8 Comments

  1. Omar j says:

    Ina ilaha wa ina ilahi rajucun samir iyo iman ale ha inaga siyo waxa dilay gacn ka xaq daran waa jawasista itobiya waa in lasameyo argosi dagdag ah

  2. lehelow says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucuun nafwalba way dhadhamin moowdka laakiin waxa aan tacsi tiiraanyo leh u hawada umarinayaa dhamaan umada reer ogadenya ee uu ika baxay walal keen qaaliga inagu ahaa waxa aan leeyahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay alaah ayaan naxariis uga baryeeynaa hadaan nahay busha waynta reer ogadenya inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucuun

  3. Geeri-gaad says:

    Inaa Llllaahi wainaa lillaahi raajicuun, walaalayaal madhimanin C/RTiibaa ee wuu shiiday, oo Asxaabihii ayuu meel lahadhsan inta kahadhay xisaabta Aakhharo, oonan isaga iyo intii kale ee saaxiibadiisba aan Alle uga Rajayn inuu xisaabta ufududeeyo Mujaahidiintaas, Alla ha unaxariisto Mujaahidiintaas Aamiin, Aamiin, Aamiin. Waxa reer Ogaadenya dabasocdana ee wayaanaha tigreegu soo adeegsanayaana ee ay gacan fulaynimo wax iigu fuli leedahayna, illaa iyo Aakhiro Gunnimuu kuwaari, wax uu igaga naaqusin Halganka Ogaadeniya majirto, Nin markiisii horeeba diyaar u ahaa inuu udhinto dhulkiisa ama gaalka iska dulqaado uunbuu ku Khaatumo seegay Alla ha dulleeyee. Ogadenyana way Xoroobi mar aan fogayn.

  4. faisal says:

    Inalilaahi wainaa ileehi raajicuun Alla ha u naxariisto cabdirisaaq tiibaa ehelkii uu kabaxay iyo dhamaan ba reer ogadenya samir iyo iiman hakasiiyo Cabirisaq wuxuu Ahaa nin aad iyo aad u qaali ah Sharaf wayna ku dhex lahaa bah waynta reer ogaadeenya Allow kuu naxariiso amiin amiin amiin

  5. dhuure qorahay says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
    DHAMAAN SHACAB WAYNAHA REER OGADENIA ILAAHAY SAMIR IYO IIMAAN HAYNAGA SIIYO ISANA NAXARIISTII JANO HA GEEYO DHAGAR QABA YAASHII JARIIMADAA GAYSTAYNA NAARTA HA KU FOGEEYO WAXA KALE CADAWGU WAA BADAN YAHAY INDHAHA HALA FURO HALA FEEJIGNAADO

  6. Naftii-hure says:

    INA LILAAHI WA INA ILAYHI RAAJICUUN Cabdirisaaq Tiibaa waxaan Alle uga baryayaa inuu Jannatul Fardows geeyo, Aamiin.Qoyskii,Ehelladii iyo Ummadda Ogaadeenyana samir iyo iimaan ka siiyo,Aamiin.waxaan mar kale wayney Halyeey qaalli ah.Cabdirisaaq Tiibaa wuxuu naftiisa qaalliga ahayd u waayay Gobbonnimada Ummadda Ogaadeenya.Isbuucyo ka hor ayay ahayd markii Halyeey Cabdi Cabdullaahi dil kan oo kale ah loogu gaystey Nairobi. Gumaysiga xabashida iyo dabadhilifyadiisu wey heli doonaan CADHADA naftood-hurayaasha.Alle labadoodaba Jannatul Fardows ha ku abbaalmariyo,Aamiin.

  7. abdiweli rasaas says:

    alaha unaxariistu walaalkeen c/risaaq, ahana shaqsi qaali nagu ah oo usuu halgamay dalkiisa iyo dakiisa, alaha naxariistii janu hakawaraabiyo bishan barakaysan ayuu geeriyuuday, hase yeeshee waxaan qufwalba aan ku baraaru jinaynaa in uu ku daydu halgamaaga naftiisa u horay diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa, diidayna in shacabka ogaadenya in uu gumaysiga ku jiru, kana duurtay waqti kastaa haqadatu, in oo u taaganyahay halganka dalkiisa, walaalayaal, arinkaa baaritaan dheer uu ann luu kala harin halagu sameeyu, si luu helo cidii gaysatay dilkan fuusha xun.
    wala xuwla walaa quwati ilaa bilaahi

  8. hassan says:

    waxaan tac si u dirayaa dhamaan ahelkii uu kageeriyooday walaalkeen abdirisaaq oo ay amaaneen dadka yaqaaney ilaahay ha unaxariisto intaas kadib waxaan aad ubaraarujinayaa dadka kasoo jeeda ogaadeeniya iyo kuwa ay dhalashadu kadhaxayso ee ku nool kenya in ay si aad ah ufeejignaadaan iskuna tiirsadaan iskana ilaaliyaan kuwa usoo tafaxaytey laynta dadka qiima haleh ciday rabaan ha ahaadaan waa in aan ogaano in cadawgu dadbadan leeyahay oo inala magac ah ina hebal ah hadii ay inaga go antahay in aynu kabaxno waxa ay dunidu kabax day mar hore maalmo kahorna ay ka baxday koonfurta soodaan hadii kale gunimada usabciya oo caruurtiinuna ha unoqdaan qayrkood adoon sida idinkuba aad adoonta ugu tihiin tegray aabayaashiina waxay adoon uahaayeen mingisto iyo xayle salaase kuwanina waxayba dheer yi hiin in ay banaysteen ugubkeenii sharafta lagu ogaa in ay kusameeyaan wixii ay doonaan ogaadeenaw ama du ninida ka mid noqda oonoqda dad ficile ama kunoolaada sidan ilaahay waxaan kabaryayaa in uu u naxariisto abdirisaaq

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay