Jaaliyada wadanka Sweden ayaa maanta isugu timid shirkeedi caadiga ahaa kaas oo ay kasoo qab galeen inta badan xubnaha jaaliyada ee wadanka Sweden. Shirkan ayaa ugu horay waxaa lagu furay aayahada qur aanka kariim ka ah iyokalmad diini ah oo baraarujin ah oo uu soo jedinayay Fadiilatu Sheekh Abdullahi mu,adin isagoo sheekhu kudheeraday xadgudubka Ethiopia kagaysato dhulka Somalida Ogadeniya shacabkana ugu baaqay inay difacaan sharafta iyo cisiga musmilmiinta Reer Ogadeniya ee dhibataysan lana dulmiyay

Sidookale Shirka ayaa lagu ansixiyay Xeer hosaad ay yeelan doonto Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Sweden, kaas oo sida lafilayo waxbadan kabadali doona habsami usocdanka hawlalaha halganka islamrkaana kor loogu qaadayo Barashada nidaamka iyo kala danbaytna oo ah mid aysan bulshadu ka maar min
Qaybtii danbe ee shirka ayaa Gabi ahaanba kusaab sanayd  Maalinta xasuuqa Ogadeeniya ee bisha Febraayo, musaasabadan oo si gaara u tabanaysay dhibaatada kadhacday wadanka Ogadeniya iyo Tacdiyada Gumaysigu gaystay waxaa lagu soo bandhigay xasuuqa bahal nimada ah ee ay gaysteen ciidmada Gumaysiga Ethiopia, waxaana madasha khudbado kubaxayay luqudahada English, ka Swedish ka iyo afaf kale kusoo bandhigay Gabadho da,a yaryar oo udhashay S.Ogaden
Gaba gabdii ayaa waxaa Microphone ka qaatay Mudane  Rayaale Xaamud oo goobta kasoo jeediyay khudbad qiiro leh islamarkaana badashay dhamaanba dareenka kasooqayb galayaashii madasha fadiyay  kadib Markii uu xildhibaaku ka warbixiyay tacidaya iyo dhibaatada loogaysto dadka shacabka ah ee Somalida Ogadeniya.
ONA/Sweden
11 5 19 21 22
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay