Munaasabad Baroor diiq ah oo loogu muragoonayey xuska maalinta xasuuqa Ogaadeeniya ayaa galabta lagu qabtay Huteel wayn oo ku yaal badhtamaha magaalada Garissa ee Xarunta gobolka waqooyi bari kenya.

Baroordiiqdan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Faraca Garissa ee Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Kenya iyo Ururuka Midowga Ardayda iyo Dhalinyarada Ogaadeeniya (OYSU) ayaa waxaa kasoo qaby galay Bulsho wayn tiro badan oo ka kala timid dacalada magaalada Garissa.

Munaasabadan Baroor diiqda ah oo uu furay Gudoomiyaha Faraca Garissa ee Jaaliyada Ogaadeeniya ee Kenya Mudane Maxamed Yuusuf ayaa waxaa xidhiidhinayey Xoghayaha OYSU Garissa Mudane Daahir Maxmed (Daacad).

Xaflada oo ahayd Baroordiiq loogu marugoonayey shacabkii ay ciidamada Ethiopia ku xasuuqeen gudaha Ogaadeeniya ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan iyo dad kamid ah dadkii ay dhibaatada ugaysatay Ethiopia ee nasiibka u helay inay kasoo baxsadaan xasuuqaas.

Masuuliyiintii munaasabadan ka hashay ayaa dhammaantood waxa ay ku dheeraadeen kasheekaynta dhibka isugu jira Dilka,Kufsiga iyo nooc kastoo cadaadis ah oo bini aadanka lagu waxyeeleeyo ee ay Ethiopia kula kacday shacabka Ogaadeeniya.

Dareenka kasoo qayb galayaashii munaasabada ayaa waxaa badalay Qaar kamid ah dadkii illaahay kasoo daayey jeelka madow ee mugaa wayn ee jeel ogaadeen kuwaasi oo kasheekeeyey dhibaatada aan Qallinka iyo Afka midna lagu soo koobi karin ee taal jeelkaasi.

kasoo qayb gala yaashii munaasabadan oo ay wajiyadooda ka muuqatay dareen iyo shucuur aad uga gadisan tii kamuuqatay markii ay soo galayeen halka lagu qabanayey baroordiiqda ayaa qaar kamid ah waxaa la arkayey iyagoo ilmada qarsan kari waayey oo ilmadu ka qubanaysey, halka qaarna ayba isaga baxee madasha kadib markii ay xamili waayeen xogaha tacadiyada ee lagu soo bandhigay munaasabada,

Xafladan oo ahayd mid si qorshaysan loo soo agaasimay ayaa ugu dambayntii waxaa lagu soo xidhay duco iyo alla bari loogu ducaynayey dhibanayaasha Ogaadeeniya

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamuud Sheekh

ONA

Nairobi-Kenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay