Daladda Ururka Haweenka Ogaadeeniya ee dalka kenya ayaa maanta waxa ay ku qabteen magaalada Nairobi xaflad loogu dabaal dagayey maalinta Haweenka Aduunka ee 08 May 2015.

Munaasadan oo ay isugu yimaadeen dad wayne farabadan una badnaa dumar ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay masuuliyiin kamid ah xukuumada dalka kenya

Khudbado isugu jira dhibaatada lagu hayo haweenka Ogaadeeniya guud ahaan gaar ahaan kuwa lagu dhibaateeyo jeelasha ay gumaysigu ka oo teen gudaha ogaadeeniya ayaa waxaa munaasada kasoo jeediyey dad kala duwan oo qaarkood ay kamid ahaayeen kuwii la soo dhibaateeyey.

Munaasada ayaa sidoo kale waxaa lagu daawaday muuqaalo murogo xambaar Sanaa oo laga soo duubay gabdho ay dhibaatooyin foolxun ugaysteen ciidamada gumaysiga Ethiopia.

Jawiga shirka ayaa waxaa mar walba badaleyey dareenka shacabku ku muujiyeen dhibaatada lagu hayo Haweenka Ogaadeeniya.

Muuqaalada munaasabada oo dhamaystiran ka daawo ilays Tv

DSC00024 DSC00025 DSC00032 DSC00050 DSC00054 DSC00059 DSC00061 DSC00062 DSC00067 DSC00068 DSC00070 DSC00071

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay