Kumanaan qof oo isgu jira madaxda dawladda oo uu horkacayo M/weyna Barak Obama iyo dadweyne ayaa xusuus ahaan u marayay laba maalmood Boondada caanka ah ee ku taala magaalada Salma ee gobolka Alabama. Dadkaa ayaa iyagoo gacmaha is-haysta ku waabariistay goobta iyagoo qaarkood ay heeso wadani ah qaadayeen, qaarna Alla baryayeen, qaarna ay ilmaynayeen.

Dadka Mareykanka Madow ayaa tabanaya in weli lagu hayo midabtakoor, gaar ahaan dhanka booliska iyo maxkamadaha. Waxaa baadhitaankii ugu dambeeyay ee arintaa lagu sameeyay lagu ogaaday in booliska Mareykanka uu iskba rumaysan yahay in qofka madow uu dambiile yahay, isla markaana hubaysan yahay, sidaa daraadeed uu diyaar u yahay inuu xabadda kala hormaro. Dadkii ka hadlay banaabaxa sanadkan oo madax badan oo taariikhdaa usoo joogay ay ka mid yihiin ayaa cadeeyay inuusan halgankoodii ay ku doonayeen xuquuqda dadka madowga ah aanay weli kow joogin, iyadoo waliba ay jiraan gobolo badan oo doorashadii M/weyne Obama ka dib doonaya inay wax ka badalaan qaanuunka doorashada oo hab cunsurinimo ay ku jirto u adkeeyaan.

Socdaalkan oo lagu xasuusanayo maalintan ku caan baxday Axaddii Dhiiga (Bloody Sunday), oo M/weynaha Mareykanka uu markii ugu horeysay taariikhda uu ka qaybgalay, ayaa waxay dhacday 7dii March 1965, maalintaasoo dad gaadhaya 600 ay socod ku mareen wadada dheer ee isku xidha Selma iyo magaala madaxda gobolka Alabama ee Montgomery oo dhererkeedu yahay 87Kilometer, iyagoo diidanaa kala sooca lagu hayo dadka madowga ah oo sharci ahaan looga horjoogsaday inay doorashada ka qaybgalaan.

Gobolada Koonfurta Mareykanka ayaa diiday inay xuquuq buuxda siiyaan dadka madwga ah siduu dhigayo dastuurka iyo Qaanuunkii lagu joojiyay kala qoqobnaanta ee Civil Rights Act of 1964. Sidaa daraadeed ayay ururadii dadka madawga ah ee kasoo horjeeday midabtakoorka ku balameen inay socdaalkaa dheer ku maraan gobolka, oo aanay u hogaansamin amarkii kasoo baxay booliska gobolka oo diiday socdaalka. Waxaa iyagana diidanaa oo aad uga soo horjeeday in xuquuq siman lasiiyo dadka madawga ah ururo xag-jireen ah oo cadaan ah oo aad u hubaysan, isla marahaantaana ku balansanaa inay laayaan haddii dadka madawga ah ee banaanbaxaya ay soo maraan wadooyinkooda.

Laba socod oo ka horeeyay midkan la xusayo ayaa fashilmay. Ugu dambayntii dawladda dhexe ayaa ballan qaaday inay ilaaliyaan nabadgalyada banaanbaxayaasha markuu diiday duqii magaalada oo isaga qudhiisu ahaa cunsuri kazoo horjeeda xuquuqda dadka madaw.

Hadal iyo dhamaan boqolaal ay horkacayaan dad caan ah oo kazoo horjeeday midab-takoorka ayaa socdaal bilaabay. Booliskii gobolka oo duqii magaalada amar ka haysta ayaa iyagana diiday inuu socdaalkaa maro, halkii ayaa waxaa ka dhacay iska horimaad lagu budheeyay dadkii banaanbaxayay iyo madaxdii horsocotay. TV-yada oo si Live-ah caalamka uga daawanayay ayaa Mareykanka aad loogu caayay, oo dawladihii Hantiwadaaga ee kazoo horjeeday ay halkaa ka heleen dacaayad ay ku muujiyaan xuquuq la’aanta ka jirta dalka Mareykanka.

Socdaalkaa iyo dhacdooyinkii la socday waxay keentay in qaanuun federal ah laga soo saaro arinta doorashada oo xaq loo siiyo qofkasta oo Mareykan ah.

FG: Waxaa halkaa aan ku ogaanaynaa in Xuquuqda oo Xoriyadda ay ugu Horeyso aan la’isa siinin ee loo halgamo, dhiig badanna loo daadiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay