cwxo30Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka warbixinaya dagaaladii ugu dambeeyay ee N/hurayaasha CWXO ku qaadeen kuwa Wayaanaha. Sidoo kale waxaa faahfaahin rasmi ah laga keenay dagaalkii waynaa ee ka dhacay Leedilay oo degmada Birqod katirsa kaasoo laxaqiijiyay in ay ciidanka wayaanaha kaga bakhtiyeen 50 askar iyo saraakiil isugu jirta in kabadan 70 kalana ay kaga dhaawacantay. Dagaalada kale ee warbixintoodu nasoo gaadhay ayaa udhacay sidan.

1/3/15 Gasaara oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/3/15 Dhaba oo Tuulada Shiniile ee Dagmada Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

2/3/15 Caado oo Danood katirsan katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidankii cadawga laga dhigay mid dhumay iyo mid dhaanraacay waxaana lagaadhsiiyay khasaare aan lasoo faahfaahinin.

3/3/15 Danood oo Gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaaciidanka gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

5/3/15 Goorafuulada oo Qabridahare katirsan jidgooyo ay CWXO kaxidhee waxay kugubeen 1 baabuur oo kuwa ay ciidanka wayaanuhu qaataan ah waxaana isla goobta kubasbeelay baabuurkii iyo wixii saaraaba.

9/3/15 Gablay oo Gunagado katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay