Gaadhi laga lahaa xafiiska biyaha ee maamulka dabaqoodhiga ee dagmada Shiniile ayay ku qaraxday miino loo dhigay,waxaana ku dhaawacmay qaraxaas miino sadex qof oo kamid ah shaqaalaha maamulka dabaqoodhiga ah.

Labo kamid ah dhaawacyadaas waxay ka shaqeeyaan xafiiska beeraha  siiba waaxda Softie netka halka dhaawaca sadexaadna uu yahay Injineerka  xafiiska biyaha,sadexdaas shaqaalaha ah ayaa dhaawacyo culus qaba  iyadoo mid kamid ahi luguhu go,een.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay ama la ogaaday inay ka dambeeyaan balse waxaa loo badinayaa inay shacabka halkaas dagan oo baryahan dambe aad u kacsanaa ay falkaas cadho iyo dhiidhin darteed u sameeyeen kadib markii dhulkii ay lahaayeen si qasab ah loogu wareejiyey qowmiyada Canfarta,goobta uu qaraxan oo aad u weynaa ka dhacay ayaa u dhow meel ay si wada jir ah mashruuc biya galin uga samaynayeen Itoobiya iyo Jabuuti.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kardha kala soco ONA.

ONA/DHIRIDHABA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay