3Shir xilwareejin ah ayaa kadhacay magaalada Pretoria gaar ahaan xaafiiska Jaaliyada Ogaadeeniya ee K/Afrika

Shirkan oo ay soo xaadireen  masuuliyiintii hore ee jaaliyada iyo maamulka cusub ayaa lagu sameeyay xil wareejin iyo dardaaran,qaybtii labaad ee shirka ayaa lagu akhriyay wareegto guud oo ka timid Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka ee jwxo.

Ayadoo laga duulayo qorhse sanadeedka HAAU ayaa ladajiyay qorshe qeexaya waxa laqaban doono sanadkan 2015 ilaa bilawga 2016

Waxaa sidoo kale si waafi ah loo dajiyay qorshe dhan walba leh oo la jaanqaada Soomaalida K/Afrika.2

Dhanka kale maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya ee K/Afrika ayaa maanta si rasmi ah u ogalaaday in magaalada Johannesburg ay noqoto farac kamida Jaaliyada JOKA.

1Faracyada Jaaliyada ayaa noqonaya Shan (5) Farac iyo Xarunta oo ah magaalada Pretoria ,waxaa dhawaan ladhisi doonaa Maamulka Faraca Johanneburg waxaana shirka laga doortay gudida qabanqaabin doonta shirka Johannesburg ee lagu dhisayo maamulka cusub ,arintan ayaa ah horumar iyo guul usoo hoyatay Jaaliyada JOKA iyo guud ahaanba halganka Ogaadeeniya

ONA

Gumaysidiid/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay