Waxaa shalay oy taariiqdu ahayd 15/03/15 shir balaadhan iskugu yimid Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee magaalada Perth ee dalka Australia. Shirkaasoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Perth ay ka kooban tahay waxaa kaloo shirka Kasoo qaybgalay walaalaha Somaaliyeed ee kudhaqan magaaladan Perth.


Shirkan oo abaabul iyo lasocodsiinta hawlaha Jaaliyada looga gollahaa ayaa waxaa daadihinayay halgame Yaxye Sheekh Cabdi waxaana lagu furay  aayadaha Quraanka Kariimka ah oo uu soo jeedinayay Sheekh Cabdiqaadir Cali Guray oo dadwaynihii madasha shirka kasoo qaybgalay kula dardaamay cabsida alle ooy ku dadaalaan ineey tahay waxay rabi ugu dhawaanayaan. Wuxuu sheekhu aad oogu nuuxnuuxsaday xaqnimada halganka Ogaadeeniya oo sheekhu inuu waajib kuyahay qof kastoo dhulka Ogaadeeniya kayimid iyo waliba walaalaha Soomaalida xorta ah meeshay doonaanba ha kayimaadeene ineey waajib kutahay taageerista halganka  maadaama qadiyadu tahay qadiyad Soomaaliyeed.

Perth3Waxaa shirka si rasmi ah ufuray Gudoomiyaha Jaaliyada Magaalada Perth halgame Asad Cabdulahi Cumar oo ugu horaynba u mahadnaqay xubnaha jaaliyada sida sharafta leh eey munaasabadan ooga sooqaybgaleen taasoo ka turjumaysa siday shacabkan ooga go’antahay inay heeryada gumaysiga tuuraan wuxuu kaloo gudoomiye Asad uu dulmaray wax qabadka Jaaliyada oo kooban Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay isku-duwaha Jaaliyaad Somalida Ogadenya ee Pacific halgame Aadan Cabdiraxmaan (Aadan Dakhare) oo ka warbixiyay waxqabadka Jaaliyaadka Pacific ga iyo isku xidhnaantooda ee hawlaha halganka mintidnimada iyo hagarlaaanta ay dhulkooda hooyo oogu jiraan inay gumaysiga kaga xoreeyaan isagoo mudanuhu sheegay inay muuqato waxqabadka Jaaliyadaha Somalida Ogadeeniya ee Pacific ga uuna kula dardaarmay inay hawlahooda sii laban laabaan inta guusha kama dambaysta ah een higsanayno laga helayo.

Perth1Waxaa kaloo  munaasabada kulankan kahadlay Naftiihure: Nuur Faatule oo halkaas kusoo bandhigay khudbad aad uqiima badan oo dhaqaajisay dareenka iyo shucuurta shacabkii kasoo qaybgalay shirkan taasoo ku saabsanayd xaalada uu shacabka gudaha Ogadenya kusugan yahay ee gumaysiga macangaga ah uu habeen iyo maalinba kuhayo shacabka adkaysiga badan ee ogaadeeniya siiba inta dhibka ujilicsan ee biri magaydada ah. Wuxuu Naftiihuruhu qaadaaa dhigay sida gumaysigu uu uhantay soomaaliwayntii xorta ahayd oo uu meel walba kadusay wuxuuna S.ogaadeeniya kula dardaarmay inay umidoobaan xoraynta ciidooda hooyo isagoo meela badana tusaalooyin wax ku’ool ah kabixiyay.

Waxaa codbaahiya lagu soodhaweeyay Suldaan Deeqow oo kasoo jeediyay suugaan halgameed wadaniyadi xambaarsan tahay oo jawigii shirka badashay isagoo ku ducaystay inuu ilaah ku simo ogaadeeniya oo xor ah. Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha  Afhayeenka JWXO Naftiihure Cadaani Hirmooge oo dhawaan safar shaqo uga soo noqday wadanka Koonfur Afrika wuxuu afhayeenku ka waramay xaalada uu hada kusugan yahay dhulka Somalida Ogaadeeniya iyo wuxuu kala soo kulmay safarkii shaqo iyo arimaha wada hadalkaItoobiya iyoJabhada wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) meesha uu marayo oo dhamaan uu wada dul istaagay xaadirayaashii aad ula dhaceen war bixinta waxaa isna gabay iyo sugaan halgameed isugu baraarujin iyo wacyi galin ah kasoo jeediyay halgame Kaldeeq Muuuse.

Perth2 Perth4Guntii iyo gabagabadii waxaa hadal dardaarana ah kasoo jeediyay oday soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Baqajuuro jaaliyada iyo umada ogaadeeniyaba u rajeeyay xornimo taama waxaa iyana aan ka maqnayn doorka mugale eey kaqaateen ururka OYSU faraciisa perth uu horkacayo gudoomiyahooda OYSU halgame Ahiib Sheekh sida quruxda badan ay hoolka udiyaariyeen iyo calamada quruxda badan ay ku sharaxeen iyo halkudhigyada meel walba Ka muuqday wuxuu shirku ku soo dhamaaday jawi farxad iyo raynrayn ku dheehan tahay

ONA
PERTH

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay