Laba dagaal oo culus oo cadawga aad loogu laayay ayaa waxay ka kala dhaceen Xuubcaaro iyo Xamaro. Warbixinta nagasoo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka warbixinayay dagaaladaa oo inta la hubsaday cadawga lagag dilay ciidan gaadhay 30 askari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhaawac farabadan. Dagaaladaa ayaa waxay u dhaceen sidan.

16/3/15 Xuubcaaro oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal fool ka fool ah oo ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya iskaga horyimaadeen waxaa
ciidanka wayaanaha lagaga dilay 16 askari 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/3/15 Ceel-jiir oo Dagmada Xamaro ee Gobolka Nogob katirsan weerar balaadhan oo ay CWXO kuqaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa waxaana birta lagaga aslay 13 askaro oo kuwa cadawga ah 17 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay