Shirweynihii  Faraca Jaaliyadda Ogaden ee Koonfunr Africa ayaa lagu qabtay Magaalada Port Elizabeth waxaana ka soo qayb galay Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee Jabhadda ONLF Iyo Xubnaha Faraca Jaaliyadda.

Waxaa  lagu dhagaystay wax-qabadkii  sanadkii 2014 isla markaana waxaa lagu dajiyay qorhse sanadeedka Faraca ee 2015 waxaana  la isla gartay in qorshihii lagu hawl galayay ee sanadkii la soo dhaafay u fulay sidii la rabay oo ay Jaaliyada u qabsoomeen arimo muhiim u ah Jaaliyadda balse loo baahan yahay in dadaalka qadiyada Ogaden loogu Jiro la sii xoojiyo.

DSC00590

Ujeedada Shirweynaha ayaa ahayd in la doorto maamul cusub oo badala gudigii hore ee Faraca Jaaliyadda  waxaana la doortay maamul Cusub oo ka kooban Lix Xubnood waxaa Gudoomiye marlabaad  loo doortay  Bashiir Muxumed oo horay u ahaa Gudoomiyaha Faraca Jaaliyadda ee Gobolka Eastern Cape , Xubnihii Shirka ayaa u codeeyay dhamaan Xubnihii la doortay.

Xubnaha la doortay ayaa lagu doortay Aqoontooda Iyo inay yihiin Xubno Qadiyada Ogaden Kaalin wanaagsan kaga Jirra Iyada oo ay doorashadu u dhacday habka gacantaaga ah.

Dhanka kale waxaa Shirka lagu soo bandhigay Suugaan Halgameed qiima badan oo taabatay dareenka  dadweynihii Shirka taas oo ay goobta  ka qaatay Koox ka tirsan Ururka OYSU ee Magaalada Port Elizabeth , Shirweynaha Faraca Jaaliyada ayaa guul ku soo dhamaaaday.

Jaaliyadda Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa ayaa ka mida Jaaliyadaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan  dhanka Abaabulka Iyo Arimaha Qadiyada Ogadeniya.

DSC00616

DSC00617 DSC00602 DSC00620 DSC00601 DSC00591
DSC00576 DSC00573

Kala Soco Muuqaalka Shirka  IlaysTv

Xayi Yare

ONA

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay