shir abaabulka iyo arimaha bulshada lagaga hadlayay  ayaa kadhacay dalka Yemen  gaar ahaan  magaalada sanca taariikhdu markay ahayda 21/2015. Shirka waxaa kasoo qayb galay bulshada qaybeheeda kala duwan dhamaantood sida hooyooyinka, odayasha, culima awdiinka iyo ururka dhalinyarada ee OYSU qaybihiisa kala duwan.

Waxaa kaloo kasoo qayb galay musuuliyiin  sare  oo kamid ah JWXO oo khad telefoonka kaga soo qayb gashay shirkana, waxaana kamid ahaa mudane Sh. Cabdulaahi Ciraaqi oo  halkaa kasoo jeediyay warbixin  aad u dheer oo dibada iyo gudaba maanta halganku  meesha uu marayo uu kaga waramay. Sidoo kale wuxuu ka waramay xaalada guumaysigu maanta marayo taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid aad u liidata. Waxaa kaloo uu ka warbixiyay halganku maanta meesha uu maray guusha in aan qarka u saaranahay loona baahan yahay in guumaysiga la’isdaba raaciyo uun ubaahanyahay guushiina dhawdahay.

Shirkan oo ahaa mid abaabulka iyo arimaha bulshada lagaga arinanayay ayaa waxaa lagaga hadlayay sidii halkanka kor loogu sii qaadi lahaa  loona dardar galin lahaa abaabulka arimaha bulshada, korna loogu sii qaadi lahaa wacyi galinta bulshada iyadoo guumaysiga wakhtigiisu gabaabsiyeyna  la isu  daba-raacin lahaa.

DSC04003

DSC03983 DSC03978 DSC03970 DSC03952Shirka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday sidii loogu talagalay oo guul iyo farxad ah.

 

Guure/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay