Banaanbax balaadhan oo ay soo abaabuleen jaaliyada Somalida-Ogadenia iyo jaaliyada Oromada ayaa lagu qabtay maalintii axada ahayd Hotelka Red Loin ee ku yaala 1440 Quebec St.

Banaanbax balaadhan oo ay soo abaabuleen jaaliyada Somalida-Ogadenia iyo jaaliyada Oromada ayaa lagu qabtay maalintii axada ahayd Hotelka Red Loin ee ku yaala 1440 Quebec St.

 

Goobtaas oo ay shir ku qabsanayeen koox ay soo dirtey dowlada Ethiopia ayay dadweyne ka soo jeeda qawmiyadaha gumaysiga Itobiya ku jira ay ky horqabteen banaabax lagu soo bandhigay dhibaatada lagu hayo shacabkooda.

 

Dadkaas halkaa ku mudaaharadayay ayaa waxay suuragaliyeen inuu shirku sidii loogu talagaley u socon waayo kaasoo ku dhamaaday rabshada iyo gacanqaad.

 

Wariyaha nooga soo warama magaalada Denver, Colorado ee cariga Maraykanka ayaa noo sheegey inay jaaliyadaaha Somalida-Ogadenia iyo Jaliyada Oromadu fashiliyeen shirkii dhiigyacabka Meles uu usoo diray gobolkaas taasoo ah guul ay soo hooyeen dhalinta JWXO ee Colorado state.

 

ONA/Denver

 

 

 

 
 

1 Comment

  1. abbdalla says:

    maa shaa allaah DENVER ayay iyadana ka socotaa, gumaysigii waa uu quustay
    waxa kaliya oo u hadhay waa in loogu tago kursiga foosha xun ee uu dadka ku cuno dhiigcab zinawi jaaliyaha ogaadeenya guulaysta, jaaliyaddanada DENVER guulaysta guullana ha idinla jiro

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay