ONAWaxaa Qabsoomay Kulankii Hoggaanka Warfaafinta taariikhdu markay aheyd  21 March 2015.

Kulankan waxaa shir gudoon ka’ahaa Gudoomiyaha Hoggaanka Warfaafinta Mudane Xuseen Maxamed Nuur. Wuxuu Gudoomiyuhu ka xogwaramay xaaladda guud ee halganka Somalida Ogadenya iyo doorka looga baahan yahay bahda WF inay ka qaadato marxaladdan xasaasiga ah ee halganku uu marayo. Waxaa kaloo kamid ahaa masuuliinta kasoo qaybgashay kulankan Gudoomiye Kuxigeenka HWF Mudane Maxamed Cali iyo Aggaasmiha Guud ee Hogaanka Warfaafinta Mudane Cabdinuur Sheekh Maxamad (Uulaa).

Kulankan waxaa kasooqeyb galay oo isugu yimid dhamaanba Xubnaha warfaafinta, oo ka kalayimid Waaxyaha kala gadisan ee Hogaanka Warfaafinta Qeybaheeda kalagadisan sida Waaxda Idaacadaha, Ilaystv, Fanka iyo Filimada, iyo wariyaasha ONA ee kahawlgala dunida dacaladeeda.

Kulankan oo ka gadisnaa kulamadii hore ee  HWF waxaa lagu qiimeeyay baahida warfaafineed ee halganka Ogadenia iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Kulankan waxaa kasoo baxay go’aamo dhaxal gal ah, iyadoo laqorsheeyay in tababaro lasiiyo dhamaanba Suxufiyiinta u shaqeeya halganka Somalida Ogadenia. Sidoo kale shirkan waxaa lagu go’aamiyay Nidaamyo kagadisan qaab shaqeedkii hore ee warfaafinta halganku ushaqayn jirtay midkaasoo lagu hormarinayo warfaafinta.

Qalabeynta iyo tayaynta Suxufiyiinta halganka ee dibada iyo gudahaba kasoo warama ayaa shirkan lagu siiyay mudnaanta kowaad.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay