Waxaa taariikhdu makay ahayd 29/03/2015 ka qab soomay magaalada Caasimada  Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika shir taariikhi ah shirkan oo ahaa mid heerkiisu aad usareeyay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudiga sare ee jaaliyada Koonfur Afrika (JOKA), halkaas oo ay kasoo qayb galeen dhamaan xubnaha jaaliyada ee gobolka Guateng.

Shirkan ayay ujeedadiisu ahayd in lagu Dhiso maamul cusub oo hogaamiya xubanaha jaaliyada ee ku sugan magaalada JHB Sanadkan horaantiisa lagu jiro ee 2015ka.

Shirka ayaa lagu magacaabay Gudoomiye iyo hogaamiyayaal  halkaas oo lagasoo jeediyay qudbado aad muhiim u ah oo dhaxal gala, shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi aad udagan iyadoo dadka ka muuqatay qiiro iyo farxad aad u saraysa oo shirku kusoo gaba gaboobay.

Ugu danbayn xubnaha la doortay ayaa balan qaaday inay kasoo dhalaali doonaan xilka loo idmaday halka dhamaan dadwaynaha kale ee shirka kasoo qayb galay balan qaadeen wada shaqayn iyo is garab taag intaana ugu dareen Duco kal iyo laab ah

Wax yar kadib ayaa maamulka cusub si rasmi ah gacanta looga galiyay dhamaanta adeega jaaliyada ee magaalada Johannesburg Mudane Cabdi Sh Aadan (Cabdi-Mandad) oo niqday Gudoomiyaha Johannesburg ayaa si buuxda ula wareegay maamulka jaaliyada ee magaalada JHB iyo degaanada ku xeeran.

DSC04137

DSC04106 DSC04103 DSC04102 DSC04100 DSC04097 DSC04094 DSC04137

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay